Djibouti (Hargeisa Press)- Dowladda Jabuuti, ayaa waxaa ay war ka soo saartay dabkii ka kacay qaybo ka mid ah dekedda magaalada Jabuuti.
Dabka, ayaa galabnimadii shalay saacadu markay ahayd abaaro 2 duhurnimo ka kacay bakhaarada aagga cashuuraha ka caagan ee dekedda.
Maamulka dekeddaha ee cashuuraha ka caagan ee Jabuuti oo qoraal ku baahiyay boggooda X ee Twitter, ayaa sheegay in aanu wax khasaare dhimasho iyo dhaawac ah aanu sababin dabka ka kacay aaga cashuuraha ka caagan.
Deminta dabka ayay maamulka dekeddaha Jabuuti sheegeen in ay ka qayb qaateen ciidanka Dab-demiska ee maamulka dekadaha iyo aagaga xorta ah ee Jabuuti iyo sidoo kale hay’adda ilaalada rayidka ah.
Maamulka dekeddaha Jabuuti, ayaa waxaa ay sheegeen in wadaan baadhitaano la xidhiidha dabka iyo wixii sababay.
Waxa ay maamulka dekedduhu sheegeen in ay soo saari doonaan warbixin la xidhiidha wixii sababay dabka.
Maamulka, ayaa sheegay in aagga cashuuraha ka caagan uu ku qalabaysan yahay nidaamka ilaalinta ee CCTV, iyagoona sheegay in loo isticmaali doono baadhitaanka dabka.
Aaga cashuuraha ka caagan ee freson-ka Jabuuti, ayaa waxaa la dhisay sannadkii 2018-kii, iyadoona ay dhistay dowladda China.
Dowladda China, ayaa lacag dhan 3.6 bilyan oo dollar ku bixisay dhismaha aaga cashuuraha ka caagan ee freson-ka Jabuuti.