Dowladda Itoobiya oo difaacday heshiiskii badda ee ay la gashay Somaliland

0
7367

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Dowladda Itoobiya, ayaa waxaa ay si adag u difaacday heshiiskii is-afgaradka ahaa ee badda ee ay bishii January 1deedii la gashay dowladda Somaliland, iyadoona meesha ka saartay hadalo waxba kama jiraan ah oo ka soo yeedhay Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Itoobiya Taye Atske Selasse, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaymaha Soomaaliya ee la xidhiidha heshiiskii is-af garad ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya.

Wasiirka arrimaha Dibedda Itoobiya, ayaa waxaa uu eedaymaha Soomaaliya ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

Sidoo kale, Wasiirka arrimaha Dibedda Itoobiya wuxuu ku eedeeyay Soomaaliya inay isku dayayso inay xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan gudaheeda ku qariso iyada oo hurinaysa colaado horleh.

Wasiirka arrimaha Dibedda Itoobiya oo ka hadlayay shirweynaha 79aad ee qarammada midoobay, ayuu difaacay heshiiskii is afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya.

Waxaanu ku sifeeyay inuu ku sallaysan yahay waaqaca siyaasadeed ee Geeska Afrika, loogana gol leeyahay sidii kor loogu qaadi lahaa in dalalka mandaqadda ku yaallaa wada gaadhaan horumar iyo barwaaqo.

Waxaanu intaas ku daray in heshiisyo kan oo kale ahi ay dhex mareen dalal kale oo adduunyada ku tirsan.

Danjire Taye, wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay dhaqdhaqaaqyada ugu dambeeyay ee ay gobolka Geeska Afrika ka wadaan dalal ka baxsan mandaqada isaga oo ku tilmaamay ficilladooda kuwa aan la aqbali karin isla-markaana ay si degdeg ah u joojiyaan.

Wasiirka arrimaha dibedda ee dowladda Federaalk Itoobiya waxa uu ku celiyay sida ay Itoobiya uga go’an tahay xasilloonida iyo deganaanshaha gobolku isaga oo ku baaqay in layska kaashado la dagaallanka argagixisada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here