Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Cadaalada Somaliland, Yoonis Axmed Yoonis, ayaa waxaa uu maanta kulan la yeeshay Madaxda u sareysa Xafiiska Dowladda Ingiriiska ee Somaliland.
Kulankan oo ka qabsoomay xafiiska Wasiirka, ayaa waxa lagaga wada hadlay Mashaariic dhanka horumarinta Cadaalada iyo shuruucda ah oo Dowladda Ingiriisku ay Somaliland ka taageeri doonto.
Madaxda Xafiiska Dowladda Ingiriiska ee Somaliland, ayaa waxaa hoggaamineysay Louise Hancock oo ah u qaybsamaha Arrimaha Somaliland ee Xafiiska Ingiriiska.
Wasiirka Cadaaladda Somaliland, ayaa sheegay in dowladda Ingiriisku ka mid tahay saaxiibada u wanaagsan ee Somaliland, isla-markaana iskaashi dhinaca horumarka ah muddo baadan kala shaqaynaysay Wasaaradda Cadaaladda Somaliland, gaar ahaan Arrimaha sharciga, marin-u-helida Cadaaladda iyo horumarinta arrimaha xisbiyadda.
Xubnaha saraakiisha, ayaa tilmaamay in ay Wasaaradda Cadaaladda Somaliland kala shaqeyn doonaan horumarinta arrimaha shuruucda cadaaladda la xidhiidha iyo guud ahaan xoojinta xuquuqal-insaanka.
Kulankan, ayaa waxaa la iskula qaatay qorsheyaasha Wasaaradda Cadaaladda iyo Xafiiska Ingiriisku ka wada shaqeyn doonaan.