Dowladda Ingiriiska oo Somaliland Kala Hadashay Dagaalka Laascaanood

0
3720

Hargeysa (Hargeisa Press) – Dowladda Ingiriiska, ayaa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici maanta kala hadashay xiisada dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood ee xarrunta gobolka Sool.

Waxaana dowladda Ingiriisku Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland u soo jeedisay in xiisada dagaal ee magaalada Laascaanood lagu dhameeyo xal nabadeed.

Sidoo kale, waxay Madaxweyne ku xigeenka kala hadashay xaalada bani aadmanimo ee col iyo abaarta ah ee Laascaanood ka tagaan.

Dowladda Ingiriiska, ayaana sheegtay in Dadka reer Laascaanood ay soo food saartay dhibaato laba jibaaran, rabshado iyo Abaar daba dheeraatay.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayay dowladda Ingiriisku fartay inay dadka ka barakacay dagaalka Laascaanood ee wajahaya dhibaatooyinka adag ay si deg deg ah u gaadhsiiso gargaar bani-aadantinimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here