Dowladda Imaaraadka Carabta oo Somaliland Ku Dartay Liiska Wadamada Ay Shahaadadoda Waxbarasho Aqoonsantahay

0
5501

Dubia (Hargeisa Press)- Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ay Somaliland ku dartay liiska waddammada ay shahaadadooda Waxbarasho aqoonsantay.

Arrintan ayaa ka dhalatay codsi rasmi ah oo ay Wasaaradda Waxbarashada Somaliland bishii February 2020 u gudbisay Wasaaradda Waxbarashada ee UAE, iyada oo codsigaas sii marisay Amb. Muniir Abusite, isla markaana ay dedaal ka geysatay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland.

Waxa kale oo ay Wasaaradda Waxbarashada Somaliland hadda waddaa dedaallo aqoonsi caalami ah loogu raadinayo shahaadooyinka heerarka kala duwan iyo in deeqo waxbarasho iyo maalgalin ah loo helo horumarinta Tacliinta Somaliland.

https://www.moe.gov.ae/En/EServices/ServiceCard/Equ/Pages/CountriesList.aspx

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here