Helsinki (Hargeisa Press) – Dowladda Finland, ayaa baaq ka soo saartay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Somaliland ee salka ku haya arrimaha doorashooyinka ee u dhexeeya xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi iyo hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka.
Bayaan ay soo saartay dowladda Finland, ayaa waxaa ay dhinacyada isku haya siyaasadda Somaliland ugu baaqday in ay isugu yimaaddaan miiska wadahadalka, isla markaana ay ka dheeraadaan rabshadaha iyo qalaalse dhaca.
Finland, ayaa sidoo kale waxaa ay sheegtay in ay qayb ka noqonayso dedaalada xal u raadinta ee xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka, haddii loo baahdo.
Si kastaba, Xukuumadda Somaliland iyo hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka, ayaa isku maan dhaafsan sida ay u soo kala horeynayaan doorashooyinka urrurada iyo ta madaxtooyada, iyaga oo mucaaradku ay ku adkaysanayaan in doorashada madaxtooyadu soo horayso.