Hargeysa (Hargeisa Press)- Doorashadii Donald Trump loogu doortay madaxweynaha Mareykanka, ayaa waxa ay dhalisay doodo la taaban karo oo ku saabsan mustaqbalka raadinta aqoonsiga Somaliland. Inta uu talada hayo Trump, waxa la filayaa in xisbiga Jamhuurigu uu qaato siyaasad arrimo dibadeed oo dareen weyn ku soo jiidi karta Somaliland, isla markaana u gogol xaadhi karta in loo aqoonsado dal madax-bannaan.
Booqashada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee dalka Mareykanka oo ka dambaysay martiqaad rasmi ah oo uu ka helay xisbiga Jamhuuriya, waxa si weyn u sii xoogaysanayey xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Mareykanka.
Khudbadda Biixi oo uu ka hor jeediyay xildhibaanno iyo mas’uuliyiin ka tirsan Mareykanka, ayaa ku nuux-nuuxsaday sida ay Somaliland uga go’an tahay qiyamka dimuqraadiga ah iyo xasilloonida gobolka, isaga oo ka dhigaya kiis aqoonsi.
Booqashadan, ayaa waxaa xigay xidhiidhkii wufuudda siyaasadeed ee Mareykanka oo kordhay, taasoo muujineysa isbedel weyn oo dhanka xidhiidhka diblomaasiyadeed ah.
Maamulka Trump oo caan ku ah istaraatiijiyada uu diiradda saarayo ka hortagga saameynta sii kordheysa ee Shiinuhu ku leeyahay Afrika, ayaa laga yaabaa in goobta istaraatiijiga ah ee Somaliland ee Geeska Afrika ay noqoto mid soo jiidasho leh. U dhawaanshaheeda Bab el-Mandeb Strait, oo ah marin maraakiibta muhiimka ah, ayaa ka dhigaysa ciyaaryahan fure u ah geopolitics caalamka.
Intaa waxa dheer, doodaha xisbiga Jamhuuriga ka dhex socda ee ku saabsan in Mareykanku saldhig milateri ka samaysto Somaliland waxa uu muujinayaa ahmiyadda sii kordheysa ee uu gobolku u leeyahay siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka.
Fikirka aqoonsiga qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland waxa uu kasbaday xisbiga Jamhuuriga oo in badan oo ka mid ahi u arkaan in uu yahay mid lagaga hortagayo xasillooni-darrada soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo in xidhiidh adag lala yeesho dawlad dimuqraadi ah oo iskeed isu maamulaysa. Marka la eego taageerada uu xisbigu u hayo Taiwan. waxaa muuqata in ay la jaan-qaadi karaan aragtida Somaliland ee gooni-isu-taagga.
Haddii uu Mareykanku tallaabo ka qaado aqoonsiga Somaliland, waxa ay noqonaysaa isbedel weyn oo ku yimi siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka ee Geeska Afrika, waxaanay saamayn ku yeelan kartaa in waddamada kale ay ku daydaan. Talaabadan ayaa sidoo kale saameyn diblumaasiyadeed ku yeelan doonta, gaar ahaan Soomaaliya oo diidan gooni isu taagga Somaliland.
Dowladda Soomaaliya oo taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed ka hesha maamulka Biden, ayaa laga yaabaa inay u aragto aqoonsi kasta oo Mareykanka uu siiyo Somaliland inuu caqabad toos ah ku yahay madax-banaanideeda dhuleed.
Isku soo wada duuboo, doorashada Trump waxay muujinaysaa isbedel ku iman kara aqoonsiga Somaliland ee caalamiga ah. Marka ay sii kordhayaan taageerada Jamhuuriga iyo xiisaha istaraatiijiyadeed ee Geeska Afrika, Mareykanku wuxuu door muhiim ah ka ciyaari karaa qaabaynta mustaqbalka Somaliland ee qaran madax-bannaan, isagoo sidoo kale dib u qeexaya istiraatijiyad juqraafiyeedka ballaadhan ee Afrika.