Doorashada iyo Abaaraha Midba Gaarkiisa Haloo Qiimeeyo…!

0
1217
Mohamed Gacayte. Photo File

Waxaynu ognahay in dib u dhac kasta oo ku yimaada Doorashada ay dhaawac ku tahay hiigsiga nidaamka dimuqraadiga ah iyo aragtida beesha caalamka ee isha ku haysa Doorashooyinka Somaliland. Sidoo kale Komishanka Qaranka, waxa laga rabaa inay soo bandhigaan qorshe hawleedka ku aadan qabsoomida doorashada inay waqtigii loo cayimay ku qaban karaan, farsamo ahaana aanay wax ka qabyo ahi aanu jirin. Taas marka la helo Axsaabta Qaranku way ka doodi karaan duruufaha jira iyo abaaraha baahsan ee saameeyay guud ahaan dalka, hadiise Komishanka dhiniciisa ay wax qabyo ka yihiin isla markaana ay food saaro ka dhiganayaan Abaaraha, sida ka muuqata qiimayn ay ka sameeyeen deegaanada abaarahu ku dhufteen ee dadkii ay ka hayaameen. Taas oo runtii aan saluugay siday wax u qiimeeyeen tusaale ahaan waxay yidhaahdeen Gobolka M/jeex 57% ayay dadkii abaaraha ka hayaameen. waana arin la yaableh oo xaqiiqda ka fog.

Dhinaca kale waxa muuqata inaan Xisbiyada Mucaaradka ahi diyaar u ahayn doorasho tabar yaraan haysata awgeed, waana taariikhda markii ugu horaysay Mucaaridku dalbadaan Mudo kordhin iyagoo ku gabanaya Abaaraha, Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadiisu waxay diyaar u yihiin in Doorashadu waqtigeeda dhacdo, si ay bulshadu u fahanto halka Xukuumada Kulmiye ka taagan tahay Kursiga iyo mudo kordhinta. Sidaas darteed waxa Xisbiga Kulmiye diyaar u yahay wixii Somaliland dan u ah, Waxa hubaal ah in Kulmiye Gurmadka Abaaraha kaalinta 1aad kaga jiro markaad Axsaabta mucaaridka u eegto, waana nasiib daro in tabar yaraanta mucaaradka ka muuqata ay qiil uga dhigaan Kulmiye abaarta ayuu iska idnho tirayaa oo doorashada ayaa u muuqata.

Xukuumada Kulmiye waxay balan qaaday inay Doorashada waqtigeedii la qabto taasbaana ka go’an, Marnaba suurta gal noqomayso in Kulmiye lagu eedeeyo Doorashadii ayuu qaban waayay oo mudo kordhin ayay rabaan, arintaasina halkaas ayay ku beenowday mucaaridkuna waxba yuu abaaraha dababada galin, Shacabka Somaliland markhaati haka ahaado cida doonaysa mudo kordhintu inay yihiin Xisbiyada Mucaaradka. Xisbiga Kulmiye diyaar ayuu u yahay hadii qaranku isku raaco in waqti kooban dib loo dhigo ilaa inta roobka la helayo. Hadaba waxa looga fadhiyaa Komishanka Qaranka inuu bulshada usoo bandhigo qorshaha diyaargrowga doorashada inay waqtigeeda ku qaban karaan, farsamo ahaan diyaariyeen. Hadii taa lawaayo xaalku wuxuu u ekaanayaa inuu jiro xidhiidh Shuraako oo ka dhaxeeyo Komishanka Qaranka iyo Xisbiyada Mucaaradka inay kuwada socdaan in doorashada dib loo dhigo ilaa inta ay ka diyaar garoobayaan.

Nin wax diiday oon wadin

Wax kaloo ka doorbiday

Wuxuu doonayaan jirin.

Wabilaahi Tawfiiq,
Mohamed Gacayte.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here