Doodaha Danyarta Iyo Dugsiyada Gaarka Ah ! Qalinkii: Axmed Cismaan Batuun (Q.7-aad)

0
785
Axmed Cisman Batuun

Qormadii hore waxaynu kusoo aragnay dhibaatooyinka haysta macalimiinta dugsiyada gaarka ah wax ka dhiga iyo natiijada ka dhalata oo si toosa u saamaysa ardayda.

 

Qaybtan oo ah qormadii todobaad ee taxanaha aynu kaga hadlayno ganacsiga aqoonta oo qaaday jid qaldan isla markaana abuuray intiisa badani fawdo tacliineed taasoo ay saldhig u tahay aqoonta gacanta u gashay dadka aan sidii loogu talogalay u maamulin isla markaana ka raadiya macaashka xadkiisa dhaafay ayaa waxaynu is dul taagi doonaa kulamo ay soo saarayaasha taxanahani la yeesheen arday badan oo wax ka barata dugsiyada gaarka loo leeyahay kuwaasi oo isugu jira qaybaha dugsiyada dhexe iyo kuwa sare.

 

Aynu ku horraynee waxaa ardaydan wax laga waydiiyay sida ay u arkaan ama ugu qanacsanyihiin adeega wax barasho ee lagu siiyo dugsiyadooda,waxaanay qaarkood tibaaxeen inu yahay mid  caadi ah hase ahaatee aanu si fiican u abaabulnayn waxanay ardaydani sheegeen in dantu ku qasabtay inay kharash badan ku bixiyaan dugsiyadan ka dib markii macalimiin dugsiyada dawlada wax ugu dhigi jirtay looga yeedhay dugsiyadan gaarka ah taasoo keenatay ayay yidhaahdeen dheelli ku yimid adeegii wax barasho ee dugsiyada dawlada.

 

ardayda qaar ka mida ayaa aaminsan in maamulka iyo iyaga uu ka dhexeeyo heshiis ganacsi kaasoo lagu kala iibsanayo aqoonta lagu baranayo lacagta badan isla markaana ardaygu ku doodi karo in xiisad kastaa ku joogto lacag badan waxaanay sheegeen inay taasi xagal daacisay qaabkii maamulka ama macalinku u gudan lahaa waajibaadkii ka saarnaa ardayga ,waxaana geesta kale marag u noqon karta in mulkiilayaasha dugsiyadani eexaystaan ama dhawrtaan kharashaadka kasoo gala ardayda sidaa darteedna aanay qaadan karin go,aan adag ama sax ah oo ardayga lagula xisaabtami karo.

 

arrimaha xiisaha gaarka ah lahaa ee kasoo baxay xog waraysigan waxaa ka mida ahaa

Markii ardayda qaarkood ka warrameen qaababka loo qanciyo ardayda dalbata baddalka ee damca inay dugsi kale u baddashaan  kuwaasoo xadgudub ku ah xorriyada ardayga loona baahnaa in loo tixgaliyo duruufaha keenay dalabka badalka ardaygu u codsaday iyo hadiiba xataa isagu go,aansado inuu dugsi kale tago,nasiib darro se waxa dhacda waqtiyo badan inay maamulka dugsiyadani ka xumaadaan isla markaana ka warwareegaan bixinta badalkaasi iyagoo is leh ardayda ayaa is eegan ama ardaygan ayaa qaar kale kula talin inay kasoo badashaan dugsiga,waana iin kale oo ay ku qadhaabtaan ganacsatada wax barashada ee ku mamay macaashka barakada daran ee kasoo gala jeebka bulshada danyarta ah.

 

Inta badan waxay ardaydu ka midaysnaayeen inay xad dhaaf tahay lacagaha ay ka qaadaan dugsiyadani isla markaana waalidkood uu culays badani ka haysto bixinta lacagtaasi,sidoo kale waxay xuseen in qaar ka mida ardaydii wax dhiganaysay dugsiyada gaarka ahi ay uga baxeen sababo dhaqaale iyagoo bixin kari waayay lacagtaasi isla markaana qaarkood galeen dugsiyada dawlada halka ay sheegeen inay jiraan qaar tahriibay iyo qaar suuqa iska jooga oo ka niyad jabay wax barashadii,waxaana lagu qiimayn karaa danbi sababtiisa ay leeyihiin ganacsatada aqoonta ka raadinaya macaashka ee haysta dugsiyada gaarka loo leeyahay.

 

Hadii aynu soo gaabino qaybtan todobaad ee taxanaha DOODAHA DANYARTA IYO DUGSIYADA GAARKA AH waxaa la gudboon bulshada uu saaranyahay culayskani ee ubadkoodu dhigtaan dugsiyadan inay la xisaabtamaan isla markaana iyagoo maraya wadiiqada sharciga ah ay la doodaan mulkiileyaasha ka ganacsada tacliinta sidoo kalena waxaa la gudboon wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare inay qorsheyaasha cusub ee lagu horumarinayo waqtigan waxbarashada dalka ay  ahmiyad gaara ku siiso nidaaminta iyo ku haynta xayndaabka saxda ah dugsiyada gaarka loo leeyahay oo xadhiga goostay,taasoo ah furaha wanaajin kara jiilka cusub ee soo baxaya kaasoo uu ku xidhanayahay jiritaanka umadnimo ee dalkan curdinka ahi.

 

La soco qaybta 8aad ee qormadan oo xambaarsan xogo  ganacsiga aqoonta ah.

 

Qalinka Axmed Cisman Batuun.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here