Doodaha Danyarta Iyo Dugsiyada Gaarka Ah. Qalinka: Axmed Cisman Batuun

0
817
Axmed Cisman Batuun

Hargeysa, (HargeisaPress) —Waa taxane ka waramaya bilawga aasaaskii waxbarashada dalka iyo kaalintii goobaha tacliinta gaarka loo leeyahay ku lahaayeen hanaqaadkeeda,heerka maanta iyo sidoo kale codka bulshada ubadkoodu la daalaa dhacaan dhaqaale ahaan aqoonta lagu dhigto dugsiyada gaarka loo leeyahay.

 

Barnaamijkan oo ay hagi doonaan saxafiyiin muddo ku hawlanaa xog ururin ku saabsan amuurtan ayaa waxaa ka qayb qaadan doona haldoor isugu jira abwaano waawayn,qorayaal,macalimiin,waalidiin iyo sidoo kale aqoonyahano ku xeel dheer dhigaalka,iyaguna waxaa qayb ku leh dugsiyada iyo qaybaha waxbarashada gaarka ah,waxaa sidoo kale soo jeedimo loogu gudbin doonaa wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee dalka.

 

falanqaynta qormooyinkan oo ah qaar cilmiyaysan isla markaana xanbaarsan xogo iyo talooyin isugu jira tilmaamo,toosin iyo gudbinta codadka mujtamac badan oo doorkoodu yahay kii kalifay in la sameeyo barnaamijkan ayaa waxaa ka reeban in lagu weeraro,lagu gefo ama sharaftooda wax loogu dhimo dugsiyo ama goobo wax barasho waxaase si hufan loogu lafaguri doonaa runtana loogaga bogan doonaa qodobada aan soo xusnay,mana aha mid xanbaarsan ujeedooyin iyo dano gaar ah,taasoo ka reeban mihnadda saxaafada iyo insaaniyadda.

 

Ugu danbayn waxaanu soo dhawaynaynaa cid kasta oo jecel inay qayb ka qaadato kana dhiibato fikir.

 

la soco dhawaan hadii ilaahay ogolaado.

 

Qalinka: Axmed Cisman Batuun

 

fikirkaaga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here