Caabudwaaq (Hargeisa Press) – Wararka naga soo gaadhaya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, ayaa sheegaya in maanta diyaarad sidday Qaad ay ku burburtay degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolkaasi.
Diyaaradda, ayaa ku dhacday meel u dhow garoonka diyaaradaha degmadaasi, waxaana soo gaadhay burbur xoogan, sida ay sheegeen ilo dadka deegaanka ah.
Sawirro laga soo qaaday burburka diyaaradda, ayaa muujinaya inay ku dhacday meel banaan ah oo ay ku yaallaan geedo gaagaaban.
Wararka, ayaa intaasi ku sii daraya in Qaadka ay sidday diyaaradda laga soo daabulay, waxaana soo gaadhay burbur, maadaama ay ku soo dhacday dhulka.
Ma cadda khasaaruhu inta uu gaadhsiisan yahay, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo sidoo kale maamul goboleedka Glamudug.