Digniin ka timid Ciidanka Booliska oo loo-diray shacabka iyo wadayaasha gaadiidka

0
1110

Hargeysa (Hargeisa Press)- Taliska guud ee Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa digniin culus u diray dadweynaha ku dhaqan gobolada iyo degmooyinka dalka.

Taliska Ciidanka oo qoraal ku baahiyay bogga ciidanka ee baraha bulshada, ayaa dadweynaha uga digay inay ka fogaadaan goobaha Dooxyada, laagaha, biraha laydhka iyo guud ahaan meelaha biyo-mareenada ah, sababo la xidhiidha roobabka ka da’aya dalka.

“Sidaa la socotaan maalmahan waxa ka da’aayay deegaano kamida JSL, roobabka Deyrta. Haddaba taliska ciidanka booliska JSL, waxa uu ku wargelinaynaa dhammaan bulshaweynta Jamhuuriyadda Somaliland ee ku nool goballada iyo degmooyinka in ay ka fogaadaan goobaha Dooxyada, Laagaha, Biraha laydhka  iyo guud ahaan meelaha biyo-mareenada ah.” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Taliska ciidanka, ayaa sidoo kale farriin u diray wadayaasha Gaadiidka, iyagoona ugu faray inay taxadar badan muujiyaan, xawaaraha gaadiidkana dhimaan, qataanna awaamiirta ciidanka nabadgalyada waddooyinka.

“Sidoo kale waxaannu faraynaa wadayaasha Gaadiidka ina ay taxadar badan muujiyaan xawaaraha gaadiidkana dhimaan, qataanna awaamiirta Ciidanka Nabadgalyada Waddooyinka.” ayaa la sii raaciyay bayaanka ka soo baxay taliska ciidanka Booliska Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here