Diblomaasi Mareykan ah oo hal arrin ku boggaadiyay Guddida Doorashooyinka Somaliland

0
3248

Washington (Hargeisa Press)- Ergaygii hore ee Mareykanka u qabilsanaa gobolka saxaraha ka hooseeya ee Afrika Mr. J. Peter Pham, ayaa Guddida Doorshooyinka Somaliland ku ammaanay jadwalka habraaca doorashada ee soo saareen.

Guddida komiishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa shalay soo saaray Jadwalka mucayinka hawl-qabashada ee doorashooyinka isku sidkan ee Madaxtooyada iyo Ururrada Siyaasadda ee 13 bisha November ka qabsoomaysa Somaliland.

Habraaca jadwalka doorashada, ayaa si faahfaahsan u sharraxaya tallaabooyinka is xigxiga ee doorashada illaa laga gaadhayo 13 November oo ah maalinta ugu danbaysa ee ay doorashadu dhacayso.

Hadaba, J. Peter Phama, ayaa sheegay in doorashadani noqonayso tii 10aad ee dadka reer Somaliland u dareeraan ee qof iyo cod ah tan iyo intii Somaliland xornimadeeda kala soo noqotay wixii la isku odhan jiray Soomaaliya.

Pheter Pham, ayaa sheegay in dadka  ku hoos nool taliska aan la dooran ee Muqdisho ay sugayaan sannadkii 56aad inay helaan fursad ay ku codayn karaan oo cod iyo qof ah.

Diblomaasigan oo ah aqoonyahan Mareykan ah iyo qoraa ku takhasusay arrimaha xidhiidhka caalamiga ah gaar ahaan arrimah Afrika, waxaanu ahaa ergaygii gaarka ahaa ee Mareykanka u qaabilsanaa gobolka Saxaraha ee Afrika laga soo bilaabo March 2020 illaa dhammaadkii muddo xileedkii Donald Trump.

Pheter Pham, ayaa wuxuu sidan ku sheegay qoraal uu ku baahiyay boggiisa X (Twitter).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here