Waxaan xasuusta maalinta 25.02. sanad kasta Kuwait waxa loo dabaal dagi jiray maalinti ciida Istiqlaalka Kuwait ! Runti waxay ahaan jirtay maalin aad u farxad iyo dareen special ah kuleh qof kasta o reer Kuwait ahaa, waayo waxa ka qeeb gali jiray dhamaan ardayda Schoolada iyo weliba Jaaliyadaha kala dowan ee degan Dalka Kuwait.
Waxaan xasuusta inaan ka qayeb gali jirnay xafladahaas is daba jooga ah iyo weliba mahrajaanada kala dowan aniga iyo dhamaan aradayda Schoolada u weliba si daacada ah ogu heesi jirnay heesta calanka laakin hadana waxa iska yara jiri jiray dareen aano ka wada midaysneen mecnihiisana aananu markaa sharixi karaynin :
Waxaan u maleenaya wuxu ahaa dareen Hinaase Wadani ah :Goormaan aniguna u heesaya wadankayga !!!!
Dareenkaas waxa nagu kalafay waa heesta Watani El Kuwait ! Heestaas waxay ahayed heesti calanka Kuwait markaad heesta qaadaysid iyo dareenka kugu jira isma waafaqsana waayo waxaad ogtahay inaanad Kuwaiti ahayen taas u nagu beertay waxa layidhaahdo Hinaaso Wadani ah .
Dareenkaas markaad yartahay ma cabiri kartid laakin maanta waxaan aad ogu farxay markii aan kula kulmay Summertime dhalinyaro fara badan u reer Kuwait ah , o waligood aan arkin dalka hooyo ee markaas ogu horeysoo , taas u aan markaa kawada sheekaysanay dareenkii markaan yareen iyo maanta sidaan ogu soo heloobayno Dalka hooyo !
Waxaan ku faraxsanhay inaan maanta wada fahamnay meel kasta ku dhalo laakin :
Dhulka hooyo waa lama huraan !!!!
Samia Muse