Dhulgariir lagu qiyaasay 4.8 oo ku dhuftay Suuriya, Urdun iyo Lubnaan

0
944

Dimishiq (Hargeisa Press)- Dhulgariir lagu qiyaasay 4.8-magnitude, ayaa ku dhuftay Suuriya, Urdun iyo Lubnaan gelinkii dambe ee Isniinta maanta, sida laga soo xigtay Xarunta Cilmi-baadhista ee Jarmalka ee Geosciences (GFZ), iyadoo dadka deggan saddexdaa waddan ay dareemayaan saameyntiisa.

GFZ, ayaa sheegtay in dhul gariirku uu ahaa mid qoto dheer 10km ah. Waxay hore u sheegtay cabirka 5.46 laakiin waxay dib u eegtay daqiiqado kadib.

Dadka deggan gobollada koonfur-bari ee Turkiga oo ay ku jiraan Gaziantep, Sanliurfa, Kilis, Adiyaman iyo Hatay, ayaa dareemay dhulgariirka.

Xudunta dhulgariirka, ayaa ka diiwaan gashan meel u dhow magaalada Hama ee dalka Suuriya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Suuriya.

Taliyaha booliska Hama Maj Gen Hussein Jumaa, ayaa warbaahinta dowladda Suuriya u sheegay in ayna jirin wax dhaawac ah oo ka dhacay magaalada.

Dadka ku nool guud ahaan dalka Suuriya, ayaa dareemay dhulgariirka, iyadoo dadka ku sugan waqooyiga magaalada Azaz ay sheegeen inay dib u soo laabteen, kadib dhulgariirkii 2023-kii kumannaanta qof ku dilay waqooyiga Suuriya iyo dalka deriska la ah ee Turkiga.

Difaaca madaniga ah ee Suuriya ee ka hawlgala goobaha ay mucaaradku ku sugan yihiin ee dalka uu dagaalku ka socdo, ayaa sheegay in loo diray dhawr goobood si ay wax uga qabtaan xaalad kasta oo degdeg ah, balse aanay ilaa hadda helin wax khasaare ah.

Isniintii maanta waqooyiga Suuriya ee uu maamulo Turkigu, dad badan ayaa guryahoodii uga soo yaacay argagax, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Roba, oo 35 jir ah oo deggan Dimishiq, oo aan magaceeda la sheegin, ayaa sheegtay in dhulgariirkii u dambeeyay uu soo nooleeyay xusuus xanuun badan oo ku saabsan gariirkii ba’naa ee sannadkii hore.

“Waan argagaxnay oo si degdeg ah uga baxnay dhismaha,” ayay tidhi Roba, oo ah xisaabiye.

“Waxaan ka baqay in wixii dhacay dhulgariirkii ugu dambeeyay ay mar kale dhacaan”, iyadoo dhismayaal ay ku dumeen dadkii hurday, ayay tidhi.

“Ma hayno geesinimo aan ku laabano dabaqa 11-aad ee aan ku noolnahay.”

Magaalada Salamiya, oo qiyaastii 30km dhanka bari kaga beegan magaalada Hama, dadka deegaanka, ayaa u soo yaacay waddooyinka mugdiga ah cabsi darteed, sida uu sheegay Nasser Duyub, oo ah shaqaale dowladeed oo halkaas ku nool.

“Wiilkeyga waa hurday, ma garanayo sidaan u qabtay oo aan guriga uga baxay,” ayuu Mr Duyuub u sheegay Reuters.

Dadka deegaanka, ayaa sheegay in ay arkayeen balakoonka oo dumay iyo gaadiidka gurmadka deg deg ah oo daweynaya dadka miyir beelay.

Wakaalada wararka ee dalka Urdun, ayaa sheegtay in dhulgariir cabirkiisu ahaa 3.9 magnitude uu dhacay wax ka yar saacad kadib markii uu dhacay dhulgariirkii ugu horeeyay.

Wakaaladda Wararka Qaranka ee Lubnaan, ayaa sheegtay in “qaar ka mid ah dadka deggan Beirut” iyo meelo kale “ay dareemeen dhulgariir fudud saacadu markay ahayd 11:56pm”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here