Dhibaato Xagga Korontada Ah oo Ka Taagan Magaalada Berbera

0
1046

Berbera (Hargeisa Press)- Wararka naga soo gaadhaya magaalo xeebeeda Berbera, ayaa waxa ay sheegayaan in magaalada ka taagan tahay dhibaato xoogan oo xagga korontada ah ama laydhka.

Waxaa lagu soo waramayaa in galabta ilaa caawa fiidkii aanay magaalada Berbera ka jirin wax koronto ah ama laydh ah, iyadoona ay korontada magaaladu dansanayd.

Dadka magaalada, ayaa sheegay in markasta dhibaatadani haysato weliba iyadoo lagu jiro xilligii kulaylaha oo dadku aanay ka maarmi karin qaboojiyaha.

Magaalada Berbera waxa qalabka tamarta cadceeda dhaliya ugu deeqay Imaraadka Carabta balse weli faa’idadiisii lama hayo.

Xukuumadda Somaliland, ayaa hore u lahayd shirkadda Korontada Berbera maamusha balse mar dhexe ayaa lagu wareejiyay ganacsato gaar ah.

Xukuumadda oo ay saaran tahay mas’uulliyada shacabku weli kama hadal dhibaatada korontada ee Berbera ka taagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here