Dhegaysiga Dacwadda Badda Ee Soomaaliya iyo Kenya Oo Bilaabmaysa

0
602

Hague (HP): Dhegaysiga dacwadda Badda ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa la filayaa in ay magaaladda The Hague ka bilaabanto Isniinta todobaadkan.

Dhegaysigaasi ayaa noqonaya kii ugu danbeeyay ee ay maxkamadda caalamiga ah samayso.

Muranka Badda ee u dhaxaysa Soonaaliya iyo Kenya ayaa soo bilaabantay sanadkii 2015-kii.

Xiligaasi oo Soomaaliya ay dacwadaasi u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.

Dhegaysiga dacwadda ee bilaabmaysa 15-ka bishan waxaa dhinaca Soomaaliya uga qayb gelaya wefti uu hogaaminayo raysal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Guulleed.

Natiijadda laga filan karro go’aanka dacwadaasi iyo rejadda Soomaaliya waxaa ka warbixinaya xeer ilaaliyihii hore ee qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir.

https://youtu.be/d2BZUyl3IX4

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here