Dhamaan Shacab-Weynaha Reer Gabiley Waxa La Ogeysiinayaa Iney Qaataan Kaadhka Cod-Bixinta Ee Dhawaan Gobalka Laga Bilaabayo. Qalinka: C.S.F.(Jeesto).

0
1320
Gobolka Gabiley

Dhambaal  ku  aadan  muwaadiniinta  reer  gabiley  dhamaantood  meel  kastooy  ku  sugan  yihiin  haday  tahay  qol-qol  iyo  qurbaba  inta  is  diwaan-galisey  ee  magacoodu  ku  jirto  serverka  (NEC)  Ee  kaadhka  cod-bixinta  sugaysa  in  dhawaan  gobalkii  gabiley  lagaaga  bilaabayo  qaadashada  kaadhkaasi,  hadaba  waa  inaan  u  diyaar  garawnaa  oon  dhambaalada  iyo  dhiiri-galinta  qaadashada  kaadhka  is  gaadhsiinaa,  Walaalayaal  maanta  gabiley  ahaan  tartan  baan  ku  jirnaa  codkeenu  inaga  bad-baadinayo  waxaan  doonayno  oo  ah  ictiraafka  gobalnimada  gabiley,  Sidaa  Darteed  si aan  u  gaadhno  himiladeena  waa  inaan  qaadanaa  kaadhka.

.  Waa  Waajib  saaran  muwaadin  kastoo  reer  gabiley  ah  inuu   ka   shaqeeyo  ka hawl-galo  dar-dar  galin  arimaha  kaadh  qaadashada.

.  Waa  inuu   muwaadin  kastaa  hagaa  walaalkiisa  uu  uga  aqoonta  badan  yahay  dhinaca  kaadhka  iyo  macanaha  uu  ugu  fadhiyo  bulshada  reer  gabiley  ama  miisaanka  uu  u  sameynayo  inaan  waxaan  tabaynayno  iyo  badelayno   gacanteena  ku  badalno.

.  Waa  in  mii  iyo  magaalaba  loo  diyaar  garoobo  yadoo  laga  faa,iideysanayo  wakhti  mucayinakaa   komishanku  ina  siiyeen.

.  Walaal  waa  inuu  muwaadin  kastoo  reer  gabiley  ahi  u  hiiliyaa  umadiisa  degaankiisa,  tayadiisa,  raandhiiskiisa  kaasoo  ku  xidhan  qaadashada  kaadhku  waayo  walaal  waxaan  goosan  doonaa  midhaheeda  hadba  intaan  cod  bixino,  sidoo  kale  waxaan  wax  badsan  karnaa  hadba  intaan  cod  hoyno  ama  cid  ugu  shubno.

.Walaal  muwaadin  u  gurmo  oo  u  gunto  hir-galinta  tartanka  balaadhan  ee  gobalnimada  gabiley  iyo  ictiraafka  gabileynimada  xaqeeda,  adigaa  walaal  haya  waxaan  raadinayno  maanta  gacantaadey  ku  jiraan  markaa  qaado  kaadhka  walaal  muwaadin  ka  dibna  guddo  waajibaadkaaga.

.  Walaal  muwadin  waa  inaan  si  hagar  la,aana  uga  guntanaa  arinkaasi  oo  keena  seexday  ama  ka  aan  soo  jeedin  waa  inaan  kicinaa  quluubta  dadka  ku  beernaa,  muhiimada  kaadhka  iyo  waxay  inoogu  filan  tahay  walaal  ku  gubaabi  meel  kastood  gabiley  ka  joogto hadey  tahay  gurigaaga,  goobta  shaqada ,  goob  laysugu  yimaado  iyo  gundo  kastood  ka  joogto  magaalada.

.  Walaal  muwaadin  bildhaanso  iftiinada  horumarka  iyo  himilada  gabiley  taasoo  ay  u  qoolan  tahay  gacan  taada  iyo  codkeeda  hadaba  ku  dhiiro  ka  midho-dhalinta  kaadh  qaadshada  si  aad  ugu  harag  baxdo  waayo  cod-bixin  waxaa  kuu  hayaa  waa  kaadhkaaga  kaasaa  ku  ciil  dhicin  kara,  ama  qayrkaa  kaa  reebi  kara  waa  hadaad  qaadan  weydo  halkaasna  waxa  ka  dhalanaya  cod  la,aan  markaa  walaal  inaga  jira  oo  ceeb  iyo  calwo  haynoo  soo  hoynina.

.  Walaal  muwaadin  waa  xaq  aad  leedahay  doorashada  iyo  in  lagu  doortaa  waana  Qodob  Dastuuriya  oo  shuruucdeena  ku  qeexan  markaa  hir-galiya  shuruucda  dastuuriyanka  ah  si  ay    u  dhabawdo  is  baddelada  iyo  waxyaabaha  aan  rajaynanaa.

Qalinka:  C/raxmaan  Sayid  Faarax  (Jeesto).

Diplomatic  Analysts

Gabiley/Somaliland.

Is-xil-qaame  Arimaha  Bulshada  Ah.  (Volunteer  Of  Civil  Society).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here