Dhallinyaro ku dhintay badda magaalada Berbera

0
1166

Berbera (Hargeisa Press)- Alle ha u naxariistee waxaa xeebta Batalaale ee badda magaalada Berbera ku geeriyooday laba dhalinyaro ah, ka dib markii ay baddu liqday.

Labadan dhallinyarada ah oo maanta ku dhintay badda, ayaa ka yimid magaalada Hargeysa, Sida xaqiijiyeen maamulka cisbitaalka magaalada Berbera.

Labadan dhallinyarada ee badda ku dhintay, ayaa lagu kala magacaabi jiray Maxamuud Qoor-seef iyo Cabdiraxmaan Janaale.

Dhanka kale, waxaa shilkaas ka badbaaday wiil kale oo ka mid ahaa asxaabta labada dhallinyarada ah ee badu liqday kaas oo xaaladiisa caafimaad wanaagsan tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here