Dhallinyaradii reer Somaliland ee Muqdisho ku xidhnaa oo la sii daayay

0
4290

Muqdisho (Hargeisa Press)- Soomaaliya, ayaa maanta waxaa ay sii deysay Dhallinyaradii ka soo jeeday dalka Somaliland ee muddooyinkii u dambeeyey cadaalad darada ugu xidhnaa magaalada Muqdisho.

Xukuumadda Soomaaliya, ayaa Dhallinyaradan ku khasbaysay inay qirtaan dilkii Cabdinaasir Dahable oo ay Muqdisho si arxan darro ah ugu dishay Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

Dhallinyaradan reer Somaliland ee ku xidhnaa magaalaada Muqdisho ayaa xorriyadoodii dib u helay ka dib muddo 5 bilood ah oo ay xidhnaayeen.

Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland ee ku sugan Muqdisho, dhallinyaro reer Somaliland ah iyo weliba dad kale oo Soomaali ah, ayaa gacan ka gaystay sii daynta iyo u doodista dhallinyaradan.

Dhallinyaradan oo 5 qof ahaa, ayaa la xidhay kadib markii la dilay aqoonyahan Cabdinaasir Muuse Dahable, oo Muqdisho lagu dilay ilaa haddana aan caddaalad helin.

Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda Somaliland, ayaa mar ay booqdeen Dhallinyaradan Somaliland ka soo jeeda, ayaa sheegay in jidh dil xooggan loo gaystay.

Dhallinyaradan, ayaa Xildhibaanada u sheegay in si kasta loo jidh dilay si ay dusha isaga saaraan dilkii Cabdinaasir Muuse Dahable.

Xildhibaanada, ayaa sidoo kale sheegay in ay indhahooda ku arkeen nabarrada argagaxa leh ee loo gaystay dhallinyarada.

Xildhibaanada, ayaa markiiba dacwad u gudbiyay Raysal Wasaaraha Soomaaliya si tallaabo looga qaado taliyeyaasha bixiyay amarka dhallinyaradan lagu jidh dilay.

Dhallinyaradan oo xidhnaa illaa 15kii Feberwari, ayaa waxaa ay u shaqaynayeen Hay’addaha ICAO iyo WFP.

Magacyada dhallinyaradan maanta la sii daayay, ayaa kala ahaa:-

1.Mubaarig Nuur Cali (ICAO).

2.Nuuradiin Ileeye (ICAO).

3.C/Raxmaan Cabdilaahi Khaliif (Salaf) (ICAO).

4.Maxamed Cabdiraxmaan (WFP).

5.Almis Saleebaan (WFP).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here