Dhacdo Banaanka Soo Dhigtay Baahida Iyo Gaajada Dadka Dhimirka Wax Ka Qaba Oo Shalay Ka Dhacday Hargeysa

0
881

breaking newsHargeisaPress — Nin Maskaxda Ka Xanuunsanaya Oo Meel Faras Magaalaha Caasimadda Ah Shalay Baahi Iyo Gaajo Darteed Neef Xoolo Ah Nolosha Ku Diirtay
Shalay Abaaro 5:30 galabnimo, ayaa waxa ay arin argagax iyo naxdin badan ku abuurtay shacabka degan magaaladda Hargeysa ka dhacay meel ka mid ah faras magaalaha caasimadda, ka dib markii nin maskaxda ka xanuunsanaya uu neef xoolo ah ku qashay kuna googooyey meel wada dhinaceeda ah, halkaas oo oo dab ku saaray markii dambana.
Ninkan dhimirka wax ka qaba oo hoygiisu yahay meel Galbeed ka xigta Daarta Ganacsiga ee Deero Mall, ayaa gelinkii dambe ee shalay, waxa uu si lama filaam ah u qabsaday Neef xoolo ah oo markaa marayey Goobta uu ku noolyahay, isaga oo qaybo ka mid ah neefkaasi kala baxay, isla markaana digsi meesha u yaalay ku karsaday.
Weriye ka tirsan Wargeyska Saxansaxo oo dhacdadan goob joog u ahaa, ayaa ku warramay, in goobtaa oo ahayd waddo si weyn ay u maraan gaadiidka iyo dadweynuhu, ay mar keliya isu bedeshay samxad, markii ay ku soo xoomeen dadweynaha waddada marayey iyo kuwii gaadiidka watayba.
Ninkan dhimirka ka xanuunsanaya oo la aamisan yahay in Neefkan uu qashay gaajo u geysay, ayuu Weriyuhu tilmaamay Neefka yara oo ahaa Waxar Yar oo Ri’ah, uu ninkani sida bahalka oo kale inuu Dhexda ka dalooliyey Biryar oo aan waxba jareynin uu ku googooynaayey kuna riday qeybo ka mid ah Neefkaasi Digsi yar si uu u kariyo, isaga oo Kudaafaddii halkaasi taalayna sido kale doonaayey in uu gubo si uu ugu karsado neefkaasi bakhtiga uu ku googoostay.
Dadka goobta soo buux dhaafiyey ayey arrinta ninkani ku kacay ku noqotay amakaag, kuwaas oo aragtiyo kala duwan ka bixiyey, iyada qaarkood ay sheegeen in ninkan xanuunsanaya gaajo u geystay inuu qasho neefka Xoolaha ah, halka kuwo kalena ay fajiciso ku riday.
Dhacdadani waxay ka marag kacaysa sida ay u dayacan yihiin Dhimbirka wax ka qaba (Dadad Waalan) gaar ahaan kuwooda ku dhaqan Caasimadda Hargeysa iyada oo gidaarada daadsan oo qaarkood eheladoodii iyo dadkoodii ka soo baxsadeen oo meelo fogfog ku nool oo goboladda kale ee dalka iyo Miyiguba uu ka mid yahay, halka ay qaarkoodna magaaladda ku nool yihiin ehelkoodu oo aanay awoodin ama dansidaasi ahba ka gelin inay la tacaalaan oo la socdaan xaaladda dadka xuskooda ALLE ka qaaday, kuwaasi oo markay waxay cunaan waayaan garaabo urursada, taasina xaaladooda caafimaad uga sii darto oo gaajo iyo cudur ah ka siiqaadaan, waxana loo baahan yahay inay xukuumada oo ay ka wakiil tahay wasaaradda Caafimaadka iyo waliba ganacsatada wax haysta iyo qeybaha kale ee bulshaddu ba isla eegaan oo u gargaaraan sidii wax loogu qabanlahaa dadkaasi walaalahooda ah ee tabaaleysan si aanay u dhicin inay xayawaanka iyo wax naftooga halis gelin kara dadkana dhibaato u keeni kara ugu kicin dadka waalan ee baahani.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here