DDS oo 20 Milyan oo Birr ugu deeqday suuqii-gubtay ee Diridhaba

0
761

Diridhaba (Hargeisa Press)- Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, ayaa 20 Milyan oo Birr ugu deeqday ganacsatadii dhawaan ku hanti beeshay suuqii gubtay ee magaalada Diridhaba.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar, ayaa maanta booqday goobtii ay masiibadu ka dhacday ee suuqa Ashewa ee magaalada Diridhaba, isagoo u tacsiyeeyay dadkii hantidooda ku waayay

Mustafe Cagjar, ayaa sheegay in ujeeddada socdaalkoodu qayb ka yahay inay soo garab istaagaan walaalahooda ku waxyeeloobay khasaaraha ka dhashay dabkaasi.

Wuxuu bogaadiyay dadaalka maamulka Diridhaba uu ugu jiro gurmadka deg deg ah iyo taakuleynta ay la garab taagan yihiin dadka dhibaatadu soo gaadhay.

“Ka xukuumad ahaan 20 Milyan oo birr ayaan ku caawinaynaa Ismaamulka Diridhabe oo iyaguba markii aan u baahnayn ina garab istaagay ayuu yidhi madaxwayne Mustafe Cagjar.

Maayarka magaalada Diridhaba, ayaa uga mahad naqay Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida iyo weftigiisa booqashada ay ugu yimaadeen dadkii ku waxyeeloobay dabka. Waxa kale oo uu uga mahadceliyey taageerada dhaqaale ee ay ku bixiyeen dadaallada dib u dayactirka suuqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here