Dawladda Soomaaliya oo Shaacisay Mashruuc Ay Ku Maal-gelinayso Dhallinyarada Somaliland

0
966

Muqdisho (Hargeisa Press)- Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay maanta shaacisay mashruuc balaadhan oo hal-abuureed oo ay ku maalgelinayso Dhalinyarada Somaliland.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo hadal ka jeediyay furitaanka mashruucan ayaa waxaa uu sheegay in mashruucan ay ka faa’idaysanayaan Dhalnyarada ku dhaqan magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.

Mashruucan ayaa waxaa gacan ka gaysanaya dowladda Mareykanka iyo qaar ka mid ah bangiyada Soomaaliya ka jira.

Maal-gelinta mashruucan ayaa waxaa wejigiisa koowaad ka qeyb-galaya in ka badan 340 dhallinyaro, waxaana ku baxaya 1,600,000 oo doollar.  

 

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here