Dawladda Somaliya Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaantay Heshiiskii DP World

0
1507

Hargeysa, (HargeisaPress) —Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hor timid heshiis wadajir ah oo ay Somaliland, Itoobiya iyo shirkadda DP world ka gaadheen dekadda magaalada Berbera.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda ee xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda aanay waxbo kala socon heshiiskaasi.

Wasaaradda ayaa tilmaantay in tani ay xadgudub ku tahay wadajirka iyo midnimada Soomaaliyeed, iyadoo intaasi ku dartay in arrimahan ay go’aankeeda leeyihiin oo kaliya xukuumadda federaalka iyo baarlamaanka Soomaaliya.

Shirkadda DP World ayaa heshiis kan lamid ah la saxiixatay Dawlad Goboleedka Puntland.

HOOS KA DAALACO BAYAANKA WASAARADDA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here