Nairobi,(HargeisaPress) –Wasiirka Ganacsiga Kenya Mr. Peter Munya ayaa sheegay in la dhammaystiray miisaaniyadii ay ku hawlgeli lahayd qunsuliyadda ay Kenya ka furanayso Magaalada Hargeysa ee caasimadda JSL, si kor loogu qaado cilaaqaadka labada dal.
Wasiirka Ganacsiga Kenya Mr. Peter Munya oo Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalada Nairobi, u xaqiijiyey in Xafiiska Dawladda Kenya ka furanayso Hargeysa ay rajaynayaan inuu kor u qaadi doono baddeecadaha ay Kenya u dhoofin doonto Jamhuuriyadda Somaliland.
Mr. Peter Munya wuxuu intaas ku daray in xafiiskooda Hargeysa uu dawladda Somaliland kala xaajoon doono wax ka qabashada caqabadaha ka hor iman kara ganacsiga.
Wasiirka Ganacsiga Kenya wuxuu sheegay in dawladda Kenya ay culays saarayso sidii ay suuq ugu heli laheyd baddeecadaha dalka ka soo go’a ee Bunku ka mid yahay.
HALKAN HOOSE KA AKHRISO WARKA OO DHAN
https://somalilandpress.net/2019/07/30/somaliland-to-boost-kenyas-miraa-exports/
HargeisaPress News Desk – Hargeysa