Dawladda Imaaraadka Carrabta Oo Caawimo Gaadhsiisay Soomaaliya

0
343

Muqdisho (HP): Dawladda Imaaraadka Carrabta ayaa caawimo raashin iyo daawooyin ah oo loogu tallo galay dadka abaaruhu saameeyeen ee Soomaaliya maanta soo gaadhsiisay dawladda federaalka Soomaaliya.
Caawimadaasi oo diyaaradihii siday ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa masuuliyiin ka socday Imaaraadka Carrabta kala wareegay raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.


Waxaana raysal wasaaraha ku wehelinayay wasiirro iyo masuuliyiin ka tirsan dawladda Soomaaliya oo ay ka mid ahayd wasiirka gar-gaarka iyo masiibooyinka Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye.
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay goobtii ay caawimdaasi kula wareegayeen ayaa dawladda Imaaraadka ka raalli galiyay dhacdadii loogala wareegay lacag bishii April ee sanadkii 2018-kii.
Waxaanu ballan qaaday in lacagtaas oo ku jirta gacanta dawladda lagu wareejin doono dowladda Imaaraadka waqtiga ugu dhaw.


Geesta kale Maxamed Xuseen Rooble, ayaa dawladda Imaaraadka uga mahadceliyay garab istaaggeeda Shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay ka go’atahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah.

DAAWO: Rooble Oo Arrimahaasi Ka Hadlayay:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here