Dawlada Somaliland oo Kafaalo-qaaday Kharashka Dadkii Karantiinka la Galiyey

0
553

Hargeysa (HargeisaPress)-Dawlada Somaliland ayaa kafaalo-qaaday guud ahaan kharashkii ku baxay  dadkii mudada labada todobaada ku jiray karantiinka badhitaanka la xidhiidha xannuunka Covid-19, kuwaas oo shalay si rasmi ah  loo sii daayay,  kadib markii laga waayay wax astaamo ah oo la xidhiidha xannuunka covid-19.

Sidaasi waxaa sheegay gudoomiye ku xigeenka gobolka Maroodijeex oo maanta goob joog ka ahaa munaasibadii dadkaasi lagu sii dayey, kuwaasi oo ku jiray Hutelka Royal Plase ee dhinaca galbeed ee magaalada Hargeysa.

Dhanka kale dadkii iyagu karantinimeynta dhammeystay oo ay ku jireen afhayeenka xisbiga WADDANI, garyaqaan Barkhad Jaamac Batuun, iyo wasiirkii hore wasaaradda beeraha Dr. Axmed Aw Daahir ayaa markii ay soo baxeen warbaahinta la waddagay xaaladooda caafimaad iyo mudadii ay ku jireen Karantiinka, waxaaney sheegeen inay caafimaad qabaan iyaga oo guddida heer Qaran ee ka hortaga xannuunka Covid-19 kula taliyey inay kor u sii qaadan dadaala loogu jiro ka hortaga xannuunka Covid-19.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa naqdiyey hadalkii Dr. Gaboose waxaanu sheegay in aanu aheyn wacyigelin ee ay tahay baro-kicin, waxaanu bahweynta caafimaadka ugu baaqay inay qorshe ka yeeshaan sidii loo mideyn lahaa wacyigelinta bulshada loo gudbinayo, isaga oo bulshada u soo jeediyay kaliya inay fariiimaha wacyigelinta kala socdaan wasaaradda caafimaadka Somaliland “Waxaanu jecelahay in aanu umadda ugudbino inay qaataan hadalada ka soo baxaya wasaaradda horumarinta caafimaadka oo kaliya, bahda caafimaadka ee warbaahintu wareysato waxaa aan jecelahay in aan ku booriyo in la mideeyo kalmadaha iyo wacyigelinta dadka loo gudbinayo.

Waxaan halkan ka cadeynayaa in dhammaan shaybaadhadii laga qaaday dadkaasi dhammaantood ay  yihiin negative, dadkaasina waa dad wakhtigii karantiinka dhammeystay xaaladooduna negative tahay”

Garyaqaan Barkhad Jaamac Batuun afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa caddeeyay in sababta ay isu karantiileen ay aheyd badbaadada bulshada Somaliland “Waxay aad uga mana sheeganayeen dhab ahaantii sida guddidu yeeshay, siday xukuumaddu yeeshay sharaf ayaaaney ka tirsanayeen umadda Somaliland sidii loo soo dhaweeyay, iyada oo aan wax dhaqaale ah la weydiin, la baxnaaniyey, meeshi ugu qiimaha badneyd Somalilandna la dejiyey.

Anagu sidaasi waxaa aanu u sameynay waa badbaada umadda Somaliland oo dhan, waad is weydiineysaan waa xisbi mucaaride maxay xukuumadda ugu dhaliililaa yihiin, tan oo kale wax dhaliil laga doono maaha, xannuunkani waa aafo Qaran, aafo Qarana waxaa uu u baahan tahay talo Qaran iyo midnimo, waxaanan guddida kula dardaarmayaa inay dadaalka sii kordhiyaan”

Wasiirkii hore wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland Dr. Maxamed Aw Daahir oo ka mida dadkii la karantiiley ayaa sheegay inay ku galleen niyadsami “Maanta si farxada ayaanu kaga baxayna iyada oo agaasimihii guud noogu bushaareeyay in dhiigagii iyo wixii nalaga qaaday ay negative yihiin, taasi oo noo shahaadada oo anagu aanu iska ilaalineyno colka magaalada nagaga horeeya oo aan la odhaneyn waa qoladii meesha lagu hayay, meesha hadii nalagu hayay nabad ayaanu kaga soo baxney waxaananu rajeynayna in aanu dadka nabad ugu tagno.

Karantiiinkii waxaa aanu ku galney niyad sami, anaga oo og waddamada aanu ka kala nimid, Ingiriiska, waddamada Carabta, Turkiga, iyo garoonka diyaaradaha ee Itoobiya oo ahaa kii ugu darnaa boqolaal Shiine ahi ay ka dhoofayeen oo dalalka aduunka ka kala yimid”

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Maroodijeex Khadar Barruud ayaa sheegay in kharashaadkii ku baxay dadkaasi mudadii ay halkaasi ku jireen ay bixisay dawladdu “Sida wanaagsan ee niyadsamida ah ee ay muujiyeen dadkii karantiimada ku jiray oo masuuliyiin badan ahaa, wasiiro hore afhayeenkii xisbiga WADDANI.

Intii la joogeyna waxaa aan uga mahad celineyna madaxweynaha Somaliland iyo guddida heer Qaranba in ay kafaalo qaadeen kharashaadkii ama cunto ha noqoto ama huteelka joogitaankiisi ha noqote, dhammaan intii la kirantiiley ee huteelkan ku jirayna inay caafimaad qabaan”

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here