“Talladda Somaliland ragg ku filan oo xaajo-qaad ah way xukuumadda halagu ixtiraamo”… garaad Jaamac

0
756
garaad Jaamac

Laascaanood (HargeisaPress)- Qaar ka mida madax dhaqameedka Sool ayaa si adag u deedifeeyay hadal haynta maalmahan soo baxaysay ee la xidhiidha in madax dhaqameedku qayb ka noqdaan wadahadaladda Somaliland iyo Soomaaliya.

Waxaanay arrintaasi ku tilmaameen mid ay waajibaadkeedda leedahay dawladu, madax dhameedkana looga baahan yahay in ay u daba-fadhiistaan xukuumadda talladda haysa.

Madax dhaqameedkan oo ku kulmay munaasibad hadhi-mo sharafeed ahayd oo uu garaad Jaamac garaad Ismaaciil Ducaale, u sameeyay garaad Mukhtaar garaad Cali Buraale, magaaladda Laascaanood.

Waxaanay sheegeen in haddii gogosha wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya ay  xaqu leeyihiin madax dhaqameedka gobolka Sool in ay qayb ka noqdaan, maadaama oo ay yihiin deegaanka keliya ee gumaysigii kala dagaalamay dhulkoodda.

Garaad Jaamac garaad Ismaaciil Ducaale, oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Anagu Daraawiish baanu ahayn, oo Ingiriiskii anagaa la dagaalanay. Waa la og yahay oo Somaliland wax dhulkeedda ku dagaalamay, oo kumaan kun qof ay kaga dhimatay, anagaa jirna.

Muuse Biixi-na waa tuu qiray ee uu xafladiisii koowaad ka sheegay. Waana wax taariikhda aduunka ku qoran, oo Madxafka London ayay taallaa. Diyaaradihii nalagu duqeeyay iyo wixii aanu u dhimanaynayna, halgan Somaliland ayay ahayd”.

“Markii 1960-kii la yidhi Koonfur hala isku darsado, reerka keliya ee diiday waa anaga, oo garaad Cali ayuu ahaa. Waa idinkii qayliyay ee yidhi Laa yaa garaad. Maanta-na waxaanu maqlaynaa tallo aad leedihiin Koonfur ayaanu ku tegaynaa” ayuu yidhi garaad Jaamac.

Geesta kale waxa uu sheegay in haddii loo baahdo wadahadaladda u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya in ay joogaan siyaasiyiin ku filan hawshaasi.

Waxaanu yidhi,  “Waxaanu cadaynaynaa, haddii aanu nahay dadka deegaankan, talladda Somaliland ragg ku filan oo xaajo-qaad ah oo siyaasiyiin ah, way joogaan.

Haddii se ay dhaqan noqoto anagu nin-na u daba-fadhiisan mayno. Dhaqan ahaan baanu ku gelaynaa, wixii la soo gooyana waan qaadanaynaa. Laakiin, xukuumad baa joogta xukuumadda halagu ixtiraamo”.

Dhinaca kale xubno ka mid ahaa madax dhaqameedkii kale ee madashasi joogay ayaa cadeeyay in xukuumadu ay leedahay masuuliyadda wadahadaladda Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana iyada loo daba fadhiisto.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here