Dastuurka Qaranka ayaa Qiray in Xoriyadu muwaadinku tahay xaq dastuuri ah !!

0
829

Canbaareyn Xadhiga Xoghayaha Arimaha gudaha ee Xisbiga UCID Maxamuud ali Saleebaan Ramaax.

Aniga oo ka shidaal-qaadanaaya xeerarka Caalamiga ah ee Xaquuqda Aadamaha ee Qaramada Midoobay ee dhaqan galay sanadkii 10.12. 1948 gaar ahaan qodobada 1,2,3,5,7,9,10,11,13 farqadaha 1 & 2; sidoo kale qodobada 18,19, iyo 20. Aniga oo ka duulaaya Axdiga Xuquuqda Aadamaha dadyowga Midowga Afrika ee dhaqan galay 21.10.1986, gaar ahaan qodoboda 2,3,4,5,6,7,8,9,10,11, 12.

Aniga oo tixraacaaya Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, qodobkiisa 27-aad farqadiisa 1-aad ee tilmaamaya Xuquuqda iyo Waajibaadka Muwaadinka ee lama taab taanka ah. Sida uu qeexaayo Xeer Lr 14/2001 qodobkiisa 20-aad farqadiisa 1-aad waxaa la buriyey isla markaana la ixtiraami waayey xasaanadii masuulnimo iyo tii xisbinimo ee masuulkaasi lahaa, maadaama aan masuulkan lagu qaban isaga oo fal danbi gacanta kula jira ee lagu haysto uun hadal yar oo uu yidhi, waxaa xadhigiisu uu baal marsan yahay Dastuurka Qaranka Somaliland iyo dhamaan xeerar ka caalamiga ah ee xuquuqul isnaanka ee kor ku xusan.

Dhammaan qodobadan badan ee kor ku xusan ee ay kow ka yahay qodobka 27-aad farqadiisa 1-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland waxay gebi ahaantood si cad u qeexayaan xasaanada iyo xuquuqda Bani-aadamka waxaanay reebayaan in muwaadin fikirkiisa, aragtidiisa iyo hadal uu jeediyey loo xidho isaga oo ah Xoghaye ka tirsan xisbi mucaarid oo liisan u haysta in uu naqdiyo oo toosiyo dawlada jirta markay turun turooto ama liicdo oo lulantaba.

Waxaa dhamaan xeerarkan kor ku xusani ka wada digayaan in aan sinaba qofka Bani aaadamka ah loogula dhaqmi karin sifo ka baxsan xeerarka caalamiga, sharciga islaamka iyo shuruucda Dastuurka JSL haddii aan maxkamad sharci ah horteeda loogu cadeyn fal-dambiyeed uu ciqaab iyo xadhig ku mutaysan karo. Waxa qawaaniinta caalamka ka reeban in lagu xad-gudbo xuquuqda shakhsiga loona isticmaalo car juuq dheh, awood dowladeed iyo mid ciidan, isaga oo aan lagu qaban isaga oo denbi faraha kula jira.

Waxaanu xukuumada cod dheer ugu sheegaynaa in Xoghaye Ramaax oo ahaa Xoghayaha Arimaha Gudaha ee xisbiga Ucid in xoriyadiisa oo buuxda si deg deg ah loogu soo celiso. Sida xukuumada talada haysaa jejceshahay marna Madaxda Xisbiyada mucaaridka laguma sandulayn karo cago jugleyn , xadhig iyo garbo duub. Waxaanu magaca muwaadinkan u gudbiyey saaka oo ka diiwaan gelinay haydaha udooda xuquuqul insaanka ee ka hawlgala wadanka ingiriiska ku waas oo Xukuumada su’aalo taban ka waydiin doona Xadhigiisa waxaana ka mid ah hayadahaas kuwan hoose:

1- Amnesty International. …
•2-Bail for Immigration Detainees. …
•3-Campaign for Freedom of Information. …
•4-Charter 88. …
•5-Electronic Frontier Foundation. …
•6-European Human Rights Centre (EHRC) …
•7-Human Rights Watch. …
•8- Islamic Human Rights Commission

Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh

Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here