Oodweyne (Hargeisa Press) – Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Oodweyne ee xarunta gobolka Daad-Madheedh, ayaa waxaa ay sheegayaan in roob xoogan oo ka da’ay halkaasi uu sababay inuu Danab ku dhaco mid kamid ah Guryaha ku yaalla halkaas, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Danabkan, ayaa ku dhacay guri ay ku noolaayeen Qoys ka koobaan 7 Qof, kaas oo ku yaalla inta u dhaxeeysa magaalooyinka Oodwayne iyo Xaaxi ee Somaliland.
Agaasimaha guud ee Isbitaalka Magaalada Oodweyne Dr. Mustafe Maxamed Biixi, ayaa sheegay in Danabka ay ku geeriyootay Hooyo halka ay ku dhaawacmeen laba carruur ah oo ay dhashay, kuwaas oo mid kamid ah uu dhaawiciisa culus yahay.
Sidoo kale, waxaa uu sheegay in labada carruurta ah ay haatan la tacaalayaan xaaladooda Caafimaad, isla markaana mas’uuliyiinta Maamulka gobolka iyo kan Magaalada Oodweyne ay ku dadaalayaan sidii dadkaasi u heli lahaayeen daryeel caafimaad.
Saacadaha soo socda ee Maanta ah, ayaa waxaa ka filayaa in Magaalada Oodweyne lagu Aaso hooyada dhashay labada carruurta ah ee Danabka ku geeriyootay, waxana ehellada hooyada iyo carruurteeda booqan doona mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland.