Dallada Dhallinyarada Han-mideeye oo maamuustay-masuuliyiinta Xukuumadda ee kasoo jeeda Gobolka Saaxil

0
1411

Hargeysa (Hargeisa Press)- Dallada dhallinyarada Han-mideeye ee metesha gobollada Maroodi-jeex, Saaxil, Tog-dheer iyo Daad-madheedh, ayaa qado sharafeed maanta ku maamuusay masuuliyiinta Xukuumadda ee deegaanadaasi ka soo jeeda.

Munaasibada hadhimo sharafeedka ee ay dalladu u samaysay masuuliyiinta xukuumadda ee deegaanadaasi ka soo jeeda, ayaa ka qabsoontay Hutel Guuleed ee magaalada Hargeysa.

Waxaana masuuliyiinta Xukuumadda ka tirsan ee ay dalladu maamustay ka mid ahaa, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Sacad Cali Shire, Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta,  arrimaha bulshada iyo Qoyska Cali Xoor-Xoor, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdilaahi Xuseen Maxamed, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Axmed Abokor Maxamed, Maareeyaha Dekeddaha Siciid Xasan Cabdillaahi iyo madaxda xisbiga Kulmiye.

Sido kale, Masuuliyiinta isugu jira Wasiirrada iyo Agaasimeyaasha, ayaa dalladda ka dhagaysatay baahiyaha ka jira deegaanadaasi.

Waxanay ay masuuliyiintu ballan-qadeen in ay si dhow ula shaqayn doonaan daladda Han-mideeye, waxna ka qaban doonaan wixii baahiyo bulsho ah ee maanta dhallinyaradu la wadageen.

Ugu dambay, Wasiirrada, Agaasimaha iyo Maareeyaha, ayaa uga mahad-naqay hawsha mugga iyo miisaanka leh ee ay dhallinyarada Han-mideeye deegaanadaasi ka hayaan, iyagoona kula dardaarmay in ay halkaasi ka sii wadaan hawsha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here