Hargeysa, (HargeisaPress) —Musharaxa Madaxwaynaha xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay isbedelka siyaasadeed ee dhalan rogay siyasaada qaarada yurub kadib markii aftidiii laga qaaday dadka natiijadeeda ay noqotray in UK ka baxday midowgii yurub isla markaana raysal wasaare Divid Camaron uu ku dhawaaqay inuu xilka ka dagayo madaama lagaga adkaaday aftidii.
Musharax Jamaal Cali Xuseen ayaa qoraal kooban ku baahiyay baraha ay bulshadu ku kulanto isla markaana uu kaga qayb galay wax ka dhahida isbedelka deg deg ah ee aftidii UK ka dhalisay yurub wuxuuna yidhi.
“Ninka hogaamiyaha ah marka xataa taladiisa la qaadan waayo waaa kaa sida sharafta leh xilka iskaga tirinaya.Siyaasadu horta maanay ahyn tabaruc wakhti kooban umadda loogu shaqaynayo.Sidaasadu maaha mihnad lagu shaqaysto oo guryo lagaga dhisto.Maanta cashar wayn abuu inooga tagay David Camaron, waxa dadku doonayaan inay shaqanayaaan, inagu siyaasi fsahilmay oo umaddu indhaha qarsato ayaa xishood la’aan ina hor taagan laakiin doonaya inuu qarda jeex kursiga ku fuulo oo yidhaa ciyaartoyga kooxaha kal ma saabiir ugu gura kabaha.
Dhul gariirkan siyaasadeen ee UK ka dhacay lama filayn, siyaasada gabigeeda aya lama filaankaas ah madaama madaxwayne Siilaanyo mar kale tartamayn inkaste oo uu xaq u lahaa laakiin siduu doorashada u qabto ee uu ugu xaqsooro dadka tartamaya ayuunbaaa isku fuuqsan doonta.Dadkeenu indhaha iyo dhagaha ha fureen oo mustaqbalkooda iyo ka caruurtoodaba haka taliyaan waydiinkaa arkaaya waxa ka dhacaya ingiriiskiiye.Alle dadka iyo dalkaba noo barakee!!”Sidaas ayuu qoraalkiisa ku baahiyay musharax Jamaal Cali Xuseen.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
Follow us on Twitter: @HargeisaP