Dadka Dan Yarta Ah Ee Ku Nool Xaafada State House-ka Oo Fariin U Direy Madaxwayne Siilaanyo Kana Hadlay Xaaladooda Nololeed + SAWIRRO

0
1317

Hargeysa, (HargeisaPress) —Dadwayanaha dan yarta ah ee ku nool xaafada State House-ka ee magaalada hargeysa isla markaana ay ku nool yihiin badiba dad dan yar ah oo aan haysan dhaqaale ku filan oo ay ku dabaraan noloshoodo ayaa mar aanu booqanay, waxay noo sheegeen in xaaladooda nololeed iska adag tahay ayna u baahan yihin gurmad iyo gar gaar deg deg ah, sidoo kalena dadwaynahani waxay fariin baaq ah u direen madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” oo ay sheegeen in ay aragiisa ugu danbaysay xilligii uu ku guda jiray ololahii doorashada ee sanadkii 2010.

 

Dadwayanahan ayaa sidoo kale waxay noo sheegeen in guryahoodii uu soo galay daadka roobkii labadii casho ee u danbeeyey ka da’ayay magaalada hargeysa, waxaanay ka dhaawaajiyeen iinaanay haysan meel ay ka galaan dhaxamaha, dabaylaha, kulaylka iyo waliba roobabka da’aya.

 

Hooyo Caasha Xasan Xayd oo kamida dadwaynaha dan yarta ee xaafadan ayaa ugu horeyn nooga warantay xaaladeeda nololeed waxaanay tidhi.

 

“Anigu xaafadan waxan daganaa muddo badan, waxaan hayaa wiil iyo aabihii oo labaduba xanuunsanayaan guriga ayay iii joogaan, hooyo mararbaan saddexda wakhti hal mar wax cunaa laakiin alxamdullilah dad naga sii liita oo an saddexda wakhti waxay cunaan iyo meel ay seexdaan toona haysan ayaa jira, waxaan umadda islaamka ah leeyahay wax nasoo tara oo nasoo gar gaara kaalmo Ayaan u baahanay, xaaladayada nololeed-na way isk adag tahay”Sidaas ayay tidhi mama Caasha.

 

Xaali Cabdulle waxay iyaaduna kamid tahay dadka dan yarta ah eek u nool xaafadan waxay noo sheegtay in xaaladeeda nololeed ee ay ku nooshahay adag tahay ayna u baahan tahay kaalmo,sidoo kale Xaali waxay carabka ku dhufatay inaanay xukumaddu waxba u qaban ayna xasuusan dadka jilicsan iyada oo xustay in madaxwayne Siilaanyo u iman jirey wakhtigii uu kursiga doonayay balse aanay dib u arag kadib markii uu jagada ku guuleystay, waxay fariin baaq ah u dirtay xukuumadda, madaxwayne Siilanyo iyo umadda reer Somaliland ee ku kala sugan guddo iyo dibadba waxayna tidhi.

 

“ dee xaaladayada waad aragtaa siday tahay meel aan joogno  oo dhabanka dhulka dhigno iyo wax aan cuno midna ma haysano, waxaan hayaa caruur aan ayeeyo anagun waxba ma haysano cid wax noo tartayna ma jirto,madaxwaynaha qaranka waxaan ka codsanaynaa inuu nasoo caawiyo,aragtida madaxwaynaha waxa noogu danbeysay inuu xaafadan yimaado markii doorashadu socotay kadib dib umaanan arag waxbana nama soo gaadhsiin waxna leenahay madaxwayne hana ilaawine nasoo caawi dadkaagii oo kilicsan ayaanu nahaye, waxa kale oo aan baaq u dirayaa umadda islaamka ah inay nasoo caawiyaan oo gurmad nasoo gaadhsiiyaan nana kaalmeeyaan”Sidaas ayay hadalkeeda kusoo koobtay Xaali.

 

Ugu Danbayn Cismaan oo ka mid ah xaafada aya isna baaq u direy xukumadda Somaliland, dadwaynaha reer Somaliland iyo cid kaste oo gacan dhaanta waxaanu ugu baaqay inay wax soo taraan soona kaalmeeyaan,sidoo kale waxa uu xusay in xaaladoodu iska adag tahay ayna jiraan qoysas ka kooban 6 ruux oo dhamaantood wada xanuunsanaya iyo kuwo aan wax ay cunaan iyo meel ay hoy ka dhigtaan toona haysan.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here