Dab La Qabad Siiyay Guriga Xoghayaha Xisbiga Mucaaradka Ee Waddani

0
2399
Dab La Qabad Siiyay Guriga Xoghayaha Xisbiga Waddani

Hargeysa (Hargeisa Press) – Dad aan haybtooda la aqoonsan, ayaa waxaa ay dab qabadsiiyeen afaafka hore ee guriga uu magaalada Hargeysa ka deganyahay, xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi.

Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi, ayaa qoraal uu Facebook ku baahiyay oo uu soo raaciyay sawiro muujinaya gubasho soo gaadhay afaafka hore ee gurigiisa, ku sheegay in taayir baabuur lagu gubay albaabka dibada ee guriga xili habeenimo ah, taasi oo sababtay in uu dab qabsado albaabka.

“Waxaa xalay guriga aan Hargeysa ka degenahay kadinkiisa lagu gubay taayir gaadhi oo dabkiisii uu dhaawac gaadhsiiyey albaabka. Sida laga warqabana falkan mid la mid ah ayaa hore uga dhacay guriga guddoomiyaha xisbiga, Xirsi Cali Xaaji Xasan” ayuu yidhi xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi.

Xoghayaha, ayaa waxaa uu sheegay in dabkani uu yahay shirqool siyaasadeed, oo lagu cabsigalinayo “Waa arrin ugub ku ah Somaliland oo muujin karta, in uu jiro qorshe siyaasadeed oo lagu khalkhal gelinayo ammaanka madaxda xisbiyada mucaaradka”.ayuu intaasi sii raaciyay.

Khadar Xuseen Cabdi, ayaa waxaa uu sheegay in uu dhacdadan uu booliiska ku wargaliyay islamarkaana uu sugayo in baadhitaan lagu sameeyo, cida ka danbaysay taayirka lagu gubay afaafka hore ee gurigiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here