Dab ka kacay Banka Xaguuga ee degmada Gaashaamo

0
858

Gaashaamo (Hargeisa Press)- Wararka naga soo gaadhaya degmada Gaashaamo, ayaa waxaa ay sheegayaan in dab xoogani ka kacay Banka Xaguuga ee degmada Gaashaamo.

Dabkan oo bilaabmay gelinkii dambe ee shalay, ayaa lagu guuleystay in la bakhtiiyo ama la damiyo abbaaro 9:30pm ee xalay.

Dabkan oo saameeyey inta u dhaxaysa Cagafta Shimbiraale u dhow illaa Dhagaxyo Caddo, ayaa kacay abbaaro 3dii galabnimo.

Waxaana demintiisa ku guulaystay dadka shacabka ah oo adeegsanaya busteyaal iyo dhir iyo sidoo kale dhawr Booyadood oo joogay Gaashaamo oo ay dad shacab ahi leeyihiin, ayaa iyaguna qayb ka qaatay deminta dabkaas.

Dadka deegaanka, ayaa waxaa ay sheegeen in Hal Dab-demis oo ay leedahay magaalada Gaashaamo uu xun yahay oo aanu shaqaynin in muddo ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here