London (HP): Guddoomiyaha ama aasaasaha Walaal Ila Orod, ayaa ka warbixiyay sababaha ku dhaliyay inuu hal-abuurro barnaamijkaasi sida ay bulshaddu u aragto.
Barnaamijkaasi oo si weyn ay u soo dhaweeyeen guud ahaanba bulshadda Soomaalida ah, gaar ahaana baraha xidhiidhka bulshadda ee Internet-ka.
Ismaaciil Caydiid Aadan, oo loo garan og yahay Injiineer Jumayka, aasaasaha barnaamijka Walaal Ila Orod, ayaa kadibna waxa uu u soo gudbay oo uu barnaamijkaasi ka sameeyay wadanka hooyo.
Barnaamijkan Walaal Ila Orod, ayaa ku soo beegmaya xili uu dunida ka jiro xanuunka Covid-19, kaasoo waxyaabaha lagaga hor tegi karro ay ka mid tahay in jimicsi la sameeyo.
Ismaaciil Caydiid Aadan, oo loo garan og yahay Injiineer Jumayka, waxa uu hore u soo ahaa ciyaartooy hore oo berisamaadkii ka tirsanaa xulkii Madbacadda qaranka ee Soomaaliya.
Telefishanka Universal ayaana Ismaaciil Caydiid Aadan, ka waraystay sida uu barnaamijkaasi u hindisay iyo waxyaabaha ay bulshadda Soomaalidu ka faa’iiday tan iyo markii uu hal-abuuray.
DAAWO: Waraysiga Injiineer Jumayka:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.