DAAWO: Taariikhda AHUN Fanaan Axmed Naaji Sacad Oo London Ku Geeriyooday

0
202

London (HP): Alle ha u naxariistee waxaa xalay magaaladda London ee dalka Britain ku geeriyooday fanaankii caanka ahaa ee Axmed Naaji Sacad, oo muddo dheer ku sop jiray fanka Soomaalida.

Axmed Naaji Sacad, ayaa ahaa heesaa, iyo weliba Muusikayste tumi jiray noocyo kala duwan oo qalabka Muusiga ah, sidoo kale na ahaa heesaa ku luuqeeyay heeso badan oo caan ah.

Alle ha u naxariistee Axmed Naaji Sacad, ayaa muddo ka tirsanaa kooxdii hoobaladii Soomaaliyeed ee Waaberi, inkastoo markii danbe uu u wareegay dhinaca dalka Jabuuti.

Hadaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa waraysi aad u dheer oo telefishanka qaranka JSL muddo hore lagaga qaaday marxuum Axmed Naaji Sacad.

Waraysigaasi ayaa marxuumku kaga sheekaynayaa taariikhdiisa faneed, iyo waayihii kala duwanaa ee uu la soo maray, iyo arrimo kale oo hibadiisa faneed la xidhiidha.

DAAWO: Waraysiga AHUN Axmed Naaji Sacad

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here