Daawo Muuqaal: Madaxweynaha Somaliland Oo Cisbitaalka Ku Booqday Abwaankii Waynaa Ee Cali Sugule Duncarbeed.

0
700

Dubai, (HargeisaPress) —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) oo ku sugan Waddanka Imaraadka Carabta, ayaa Cisbitaalka Magaalada Cujmaan, ku booqday Abwaanka weyn ee Cali Sugule Duncarbeed.

Madaxweynaha Somaliland oo ay wehelinayaan Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaji Xasan iyo Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaraadka Carabta, Baashe Cawil Xaji Cumar ayaa Abwaanka alle uga baryay inuu caafimaad sareecana siiyo. Madaxweynaha Somaliland oo markii uu qolka uu Abwaanku ka jiifo Cisbitaalka soo galay ka hadlaaya dareenkiisa  waayihii ay saxiibka ahayeen iyo tariikhdii Abwaanka wuxuu yidhi.

“Abwaan Cali Sugule Duncarbeed, ayaan maanta Cisbitaalka ugu imi oo aan ku soo booqday oo xanuun sanaaya illahay waxaan ka baryayaa inuu caafimaad siiyo, Cali Sugule waa nin weyn oo tariikhda meel ku leh oo hal abuur leh marka alle ha shaafiyo”. Sidaa waxaa yidhi Madaxweynaha Somaliland.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here