Daawo Muuqaal: Laascaanood Oo Lagu Qabtay Banaan Bax Lagu Taageerayo Wasiir Xaglotoosiye

0
843

Laascaanood, (HargeisaPress) — Magaalada Laascaanood, xarunta Gobolka Sool waxaa maanta oo Axad ah ka dhacay banaanbax balaadhan oo lagu taageerayo Musharaxnimada Dr Saleebaan Ciise axmed Xaglo-Toosiye u sharaxan Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga Kulmiye.

Dadweyne tiro badan oo taageero u muujinaya wasiirka caafimaadka Somaliland Saleebaan Xaglotoosiye, ayaa isugu soo baxay jidadka Laascaanood, waxaanay qabsadeen munaasibad lagu waynaynayo taageerada musharaxa madaxweyne xigeenka Kulmiye.

Waxgarad hadalo ka jeediyay munaasibaddaasi ayaa sheegay inay si buuxda u taageerayaan musharax Xaglotoosiye, iyagoo sheegay inay wakhtigan ku haboon tahay in bulshada bariga Somaliland qayb ka noqoto hogaanka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here