Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirka wasaaradda caafimaadka JSL Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo toosiye oo socdaal hawleed ku jooga Gobolka Togdheer ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey deegaano ka mid ah gobolkaasi, waxana ay u kuur galeen xaaladda caafimaad ee Gobolkaasi, waxana uu xadhiga ka jaray xarun caafimaad oo laga hirgelinayo Deegaanka Durruqsi.