Daawo Muuqaal: Dawladda Hoose oo Markale Wax ka Beddelay Nidaamka Waddo-marista Jidadka Hargeysa

0
991

Hargeysa, (HargeisaPress) —Maamulka dawladda hoose ee Hargeysa iyo taliska ciidanka waddooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa mar labaad beddelay nidaamka waddo-marista jidadka caasimadda, iyadoo arrintaas la hirgelin doono dhammaadka bisha Ramadaan.

Labada waddo ee midina madaxtooyada hormarto, ta kalena cusbitaalka weyn daba marto oo dhowaan laga dhigay laba laba haad ah oo dhinac u wada socda, ayaa loo beddelay in madaxtooyada hormarta gaadiidku u socon doonaan dhinaca barri halka ay markii hore ka ahayd inay u socdaan dhinaca galbeed, halka jidka labaad ee dhinaca dambe ka mara cusbitaalka weyn ee Hargeysa laga dhigay inay gaadiidku u socon doonaan dhinaca galbeed, iyadoo markii hore loo mari jiray dhinaca bari.

Waxa kaloo maamulka dawladda hoose sheegeen in isku beddelkan ka sameeyeen ka dib markii khaladaad ka soo baxay tijaabadii hore ee lagu beddelay qaabka waddo-marista jidadka caasimadda, taas oo meelaha ay iskaga soo dhacaan waddooyinka la beddelay ay ka dhaceen shilil, sidaas darteed qaabkan cusub ee kale loo beddelay.

Maayar-ku-xigeenka caasimada Hargeysa Md. Cabdicasiis Maxamed Xaashi oo weheliyaan xoghayaha fulinta dawlada hoose, hogaanka ciidanka nabadgalyada waddooyinka iyo qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Deegaanka, ayaa ku dhawaaqay in isbeddel lagu samayn doono jihada loo maro waddada wadnaha ee caasimada.

maamulka-dawladda-hoose-ee-Harg

Ku-simaha maayarka ahna maayar-ku-xigeenka Caasimadda Md. Cabdicasiis Maxamed Xaashi ayaa faahfaahin ka bixiyey  sida ay ku timid in mar labaad la beddelo qaabka wado- marista ee caasimadda, waxaannu yidhi; “Shir ay galeen guddida bilicda caasimadda Hargeysa oo ah heer qaran ayaa lagu gorfeeyey arrinkii tijaabada ahaa ee labada waddo oo kala ah; jidka wadnaha ee u socotay  dhinaca galbeed iyo waddada labaad oo u socotay dhinaca bariga in labadaas wado dhinacyada ay iskaga imanayaan uu ka dhacay is waydaar, haddaba tijaabadii la qaaday  ka bacdi in laga beddelo qaabka ay imika u shaqeeyaan, isla markaana u maraan, waddada wadnaha ama waddada koowaad waxa loo socday dhinaca galbeed, laakiin imika waxa loo socon doonaa dhinaca galbeed, waddada labaad ee u socon jirtay dhinaca bari hadda waxay u socon doontaa dhinaca galbeed, waxaanan dadweynaha ugu bushaaraynayaa in lagu guulaystay tijaabadii in shilal yar oo ka dhacay halka ay isku waydaaranayaan waddooyinkani awgeed iyo talo badan oo aanu galnay in la go’aansaday  wax ka beddelkaas lagu sameeyo habka wado-marista ee waddooyinkaas.”

Waxa kaloo uu intaas ku daray; “Anniga oo ku hadlaya afka duqa caasimada Hargeysa xildhibaannada iyo ciidanka nabadgalyada waddooyinkuna fadhiyaan  laga bilaabo maanta waxaanu dadweynaha ugu bushaaraynaynaa in waddooyinka sidaas loo mari doono, laakiin waxaanu siinaynaa  muddo, inta ka hadhay ciida laga bilaabo maalinta saddexaad ee ciida ciidanka nabadgalyada waddooyinku waxay ku amran yihiin inay gaadiidka duwaan, una duwaan meelaha loogu talogalay, waxaana raaci doona waddooyin gudba, sida jidka hor mara komishanka Doorashooyinka sideedii ayey ahaanaysaa, waddada gargaar ka timaada ee markii hore aan la ogolayn hadda sideedii ayey u socon doontaa, waxaanan toddobaadkan gudihisa soo bandhigi doonaa  nashqadihii waddooyinka oo sawiro ah.”

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here