Daawo: Murrashaxa Gollaha Wakiillada Maxamed Cabdikariim oo gurmad biyo-dhaamin ah ka sameeyay tuulooyin hoos yimada Gobolka Maroodi jeex

0
1002

HARGEISA , (HargeisaPress) — Sida laga warqabo Dalka waxaa ka jirta Abaaro aad u xun oo xiligan saamayn weyn ku yeeshay Xoolihii la dhaqanayey, suurto-galna ay tahay inay xataa saamayn ku yeelato Dadka haysan helin gurmad degdeg ah. Abaarahan oo dalka oo dhan ka jira haba sii kala darnaadane hadana waxay xiligan u badan yihiin oo saamayn xoogan ku yeesheen Gobolada iyo Deegaamada Galbeedka Somaliland.

 

Maxamed-maarshaal gaadhsiiyay deegaanka Aburiin iyo deegaanada kale ee degmada Faraweyne Afartan booyadood oo biyo ah oo kamid ah gargaarka lagu gaadhsiinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen. Siyaasi Maxamed-maarshaal waxa uu ka hadlay wixii ay indhihiisu qabteen intii uu marayay deegaankaasi iyo deegaano kale oo ku teedsan degmada Faraweyne,tuulooyin ka tirsan Gobolka Maroodi jeex oo kala ah oo kala ah Garabis, cadaroos, Goryo, Abdisamad, waddo bariis, Shiil caamir, Fahda, Caro badow.

 

Siyaasi Maxamed-maarshaal waxa uu ka hadlay wixii ay indhihiisu qabteen intii uu marayay deegaankaasi iyo deegaano kale oo ku teedsan degmada Faraweyne, isaga oo ka waramaya abaarta saameysay dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaankaasi waxa uu yidhi

gurmadka

“halkan aanu joogno oo ah deegaanka Aburiin oo ka tirsan degmada Faraweyne ee gobolka Maroodi-jeex, guud ahaan dalka waxa ka jirta abaar aad u daran, gaar ahaana gobolada Galbeedka, degmadani waxay kamid tahay deegaanada ay abuuruhu aadka u sameeyeen, iyadoo gurmado iyo baaqaq kala duwanba laga jeediyay ayaa waxaanu lasoo gaadhnay oo aanu wadnaa Afartan booyadood oo aanu u kala qaybinay deegaanadu siday u kala baahi badan yihiin. Waxay Alle ka baryaynaa inuu abaarta inaga soo jebiyo, inuu Alle SWT uu inaga soo qaboojiyo oo deegaanada qaar oo imika uu dhibicii ugu horeeyay ee roobku ka curtay, in deegaanada kalena Alle soo qaboojiyo, Afartan booyadood waxba ma gaadhayaan, deegaanadu way ka baahi badan yihiin, deegaankan wuu ka baahi badan yahay oo xoolihii waa ay ka baxeen, biyo la’aan daran ayaa ka jirta, markaa Alle waxaanu ka baryaynaa isagaa gacmihiisu lagu baahi baxaaye inuu nimcadiisa kusoo qaboojiyo.” Ayuu yidhi Siyaasi Maxamed-maarshaal, intaasi kadibna waxa uu farriin kooban u diray ganacsatada iyo cid kasta oo ka qayb qaadan karta gurmadka gargaarka lagu gaadhsiinayo dadkeena ay abaaruhu saameeyeen, waxaana uu yidhi “waxaan halkan farriin uga dirayaa walaalaheena uu Alle siiyay maalka, xukuumadda Somaliland, ganacsatada iyo cid kasta oo ay damqayso abaaraha ka jira deegaanada dalka oo aanu manta ku sugannahay deegaanka Aburiin inay wixii ay ka geysan karaanba ka qaataan, intaasi tacabbay naga noqotay, oo insha Allah intan oo keliya nagaga eekaan mayso, waanu u maqannahay Illaahayna waxaanu ka rajeynaynaa inuu nagu soo asturo, asturaada Rabina waa Illaahay raxmaadkiisa” ayuu hadalkiisa kusoo afjaray.

 

Halkan hoose ka daawo Musharaxa Maxamed-Maarshaal  oo Baaq u dirayaa Bulshada

 

https://youtu.be/zyPKSbP1l4k

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here