D/Hoose Ee Laascaanood Oo Hawl-gallo Waddo Banaynta ah Fulisay

0
445

Laascaanood (HP): Dawladda hoose ee degmadda Laascaanood oo muddooyinkan ba waday banaynta waddooyinka ayaa maanta hawl gal Waddo banayn ah ka fulisay qaybo ka mid ah xaafadaha magaaladaasi.
Waxaana hawl galkaasi Waddo banaynta ah ay dawladda hoose ka fulisay xaafadaha Horseed iyo Sayidka gaar ahaan xaafadda Bariga magaaladda ee Gooja Cadde.

Hawl galkaasi Waddo banaynta waxaa hogaaminayay maayar ku-xigeenka magaaladda Laascaanood ahna ku-simaha maayarka Axmed Kawte, ooh awl-galadda Waddo banaynta ku tilmaamay inuu qayb ka yahay horumarinta bilicda magaaladda.
Maayaar ku-xigeenka waxaa ku wehelinayay xoghayaha dawladda hoose ee Laascaanood Cabdikhadar Maxamuud Gaas, iyo xubno ka mid ah xildhibaanadda golaha deegaanka Laascaanood.
Geesta kale qaybaha kala duwan ee bulshadda degan xaafadaha ay dawladda hoose hawl-galka Waddo banaynta ah ka fulisay ayaa aad u soo dhaweeyay hawl-galkaasi.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here