Culimo uu hoggaaminayo Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi oo Hargeysa soo gaadhay

0
890

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa dalka ku soo dhaweeyay wefti culimo ah oo uu hoggaaminayo Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi.

Wasiirka, ayaa waxaa soo dhawaynta weftiga culimada ah ku wehelinayay Xoghayaha fulinta ee dowladda hoose ee magaalada Hargeysa.

Weftigan Culimaa’udiinka ah ee uu hoggaamiyo Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi, ayaa dalka u yimid sidii ay uga qayb geli lahaayeen tartanka Qiraa’ada Quraanka Kariimka ah oo sannadkii 9aad lagu qabanayo magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha mu’aasisada Al-misbaax Sheekh Cabdinaasir oo sannad kasta soo qaban qaabisay tartankan quraanka, ayaa ugu horayn ka warbixiyay weftigan Culimaa’udiinka ah ee dalka soo gaadhay.

Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi oo ka mid ah weftiga culimada ah ee la soo dhaweeyay, ayaa ka hadlay safarkan ay ku soo gaadheen dalka Somaliland iyo ka qayb galka tartanka Qiraa’ada Quraanka Kariimka.

Wasiirka Waxbarashadda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa ka hadlay soo dhawaynta weftiga culimada ah ee uu hoggaamiyo Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here