Ciyaarihii Goboladda “Mawjado Muquuniyey Muranka Siyaasadda iyo Maamuuskii Qurxoonaa ee Madaxweyne Siilaanyo & Masuuliyiinta Xukuumaddiisa ee Milgaha Mudan”

0
1034

Hargeysa, (HargeisaPress) —Agaasimaha wasaaradda Dhallinyarada, ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland, Maxamed Xuseen Dhabbeeye ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabkii ay u dhaceen ciyaarihii Gobaladda Somaliland.

 

Agaasime Dhabbeeyo ayaa bartiisa Facebook, Tartankii ciyaaraha gobolada Somaliland 2016 ee sida quruxda baddan Ilaahay inoogu dhammeeyay waxay noqdeen mawjado hadheeyay muranka siyaasada, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:

hhk

Tartankii ciyaaraha gobolada Somaliland 2016 ee sida quruxda baddan ILAAHAY inoogu dhammeeyay waxay noqdeen mawjado hadheeyay muranka siyaasada, maadaama muddada ay socdeen maalin walba si toos ah looga daawan jiray Telefiishannada dalka iyo shabakadaha bulashadu ku wada xidhiidho, halka sidoo kale si toos ah loogala socday Radio Hargeysa, taas oo ka dhigtay in lagaga sheekaysto goobaha dadku iskugu yimaadaan, laguna mashquulo hadal heyntooda.

 

Kubadda cagta waxay ahayd markii ugu horeysay ee ciyaartoydeenu ku ciyaarto roogga doogga ah ee lagu goglo garoomada waa weyn ee caalamka, waxaana talaabaas ka soo baxay muuqaal qurxoon iyo ciyaartoydeenii oo ka raystay dhibtii ay ku qabeen dirriddii iyo camuudii ay ku ciyaari jireen.

jjhh

Meheradaha ganacsiga, mafrishyada fadhi-ku-dirirka, goobaha lagu qaxweeyo iyo baraha Internet-ka bulshadu ku wada xidhiidho waxaa hadheeyay sheekooyinka khuseeya arrimaha tartanka ciyaaraha gobolada 2016 oo socday muddo 17 cisho ah, iyadoo ay muddadaasna dad aad u baddani ay ka nasteen murankii siyaasada sannadaha baddan lagu dawakhay, waxaana xusid mudan inay isku soo dhaweeyeen dadyaw baddan oo ku coloobay dabeylaha cunfiyadeysan ee siyaasada.

kubada kolayga 2

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo masuuliyiinta kale ee xukuumadda oo ay ugu horeeyaan Wasiiradda Maaliyadda iyo Madaxtooyada Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi waxay maamuus milgeysan u muujiyeen guud ahaanba 362 iskugu jiray masuuliyiin, tababareyaal iyo ciyaartoydii ka qeyb-galayay tartamadda ciyaaraha gobolada.

 

Ka wasaarad ahaan farxad weyn ayey noo tahay in Madaxweyne Siilaanyo Maanta uu Qasriga Madaxtooyadda kulan Sagootis ah uu ku qaabilay xulalka Awdal iyo Saaxil oo iyagu sannadkan noqday horyaaladda koobabkii goboladda dalka, waxaana uu u mahad-naqay xidhiidhada kala duwan ee ciyaaraha oo sidii quruxda badneyd ee guushaa ku suntan iyo cidkasta oo ka qeyb-qaadatay.

awdal 2

Madaxweyne Siilaanyo sidoo kale waxa uu u Hambalyeeyay Xulalkii gobolada ee guuleystay iyo kuwii laga guuleystayna, waxaana uu hoosta ka xariiqay in xukuumadiisu muhiimad gaar ah ay u leeyihiin ciyaaraha, maadaama ay ciyaaruhu yihiin is dhex-galka bulshada, ayna ka go’an tahay in la sii wado dhiiri-gelintaas.

 

Wa Bilaahi Tawfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here