Burco (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, ahna Wasiirka wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa soo bandhigay fikradaha iyo aragtiyada guracan ay qabaan madaxda xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.
Wasiirka, ayaana waxaa uu dhaliilo xoogan u jeediyay madaxda sare ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, isagoona farta ku fiiqay cida dhibaatada ka wada dalka.
Sidoo kale, waxaa uu soo hadal qaaday dhibaatadii sababtay dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhacday Buurta Gacan-libaax ee lagu laayay ciidanka.
Cabdiraxmaan Cirro, ayuu sheegay in uu ku talo-galay in dalka uu ka rido dagaal la mid ah, dagaalkii sokeeye oo uu ciidankeediina sameeyay, isla-markaana geeyay buurta Gacan-libaax.
Wuxuu sheegay in Cirro gurigiisa ka abaabulay kooxdii dablayda ahayd ee uu buurta geeyay, isla-markaana uu adeer u ahaa ninkii Taliyaha u ahaa kooxdaasi.
Wasiir Kaahin, ayaa waxaa uu sheegay in Cabdiraxmaan Cirro oo hogaamiya xisbiga Waddani uu yahay nin ciil qaba ah.