Goobjoogayaashii u horeeyay ee doorashooyinka Somaliland oo Hargeysa soo gaadhay

0
3048

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xubno ka socda goobjoogayaasha caalamiga ah ee wadamada saxiibka la ah Somaliland, ayaa waxaa ay maanta soo gaadheen caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Xubnahan goobjoogayaasha caalamiga ah, ayaa waxaa ay martiqaad rasmi ah ka heleen guddida doorashooyinka qaranka Somaliland.

Ujeedka socdaalka goobjoogayaashan, ayaa waxaa ay la xidhiidhaa, sidii ay u indho-indhayn lahaayeen, isla-markaana u korjoogteyn lahaayeen doorashooyinka isku sidkan ee Madaxtooyadda iyo asxaabta qaranka ee qorshaysan 13-ka bisha November ee sannadkan 2024-ka.

Sarkaal u hadlayay xubnahan goobjoogayaasha ah, ayaa waxaa uu sheegay in ujeedkooda ay Somaliland u timaaddeen ay tahay sidii ay doorkooda uga qaadan lahaayeen u kuur gelida iyo la socodka habsami u socodka doorashooyinka Somaliland.

Wuxuu sarkaalku uu sheegay in ay sharaf weyn u tahay in qaybtii u horeysay ee xubnaha goobjoogayaashu ay yimaadaan dalka Somaliland.

Sidoo kale, sarkaalkan u hadlayay xubnahan goobjoogayaasha caalamiga ah, ayaa waxaa uu xusay in xubne kale oo goobjoogayaal ahi ay laba todobaad gudahood soo gaadhi doonaan dalka, si ay uga caawiyaan ka goobjoog ka noqoshada doorashooyinka Somaliland.

Sarkaal, ayaa tilmaamay in ay yihiin kooxo khibrad u leh markhaati ka noqoshada doorashooyinka dunida oo ay ku jiraan kuwa dalalka Afrika, sidaasi darteedna ay haystaan khibrado ay ku eegi karaan xaaladaha doorasho ee dalka.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in ay siyaabo kala duwan u eegi doonaan habsami u socodka doorashada, hadii ay tahay ka hor doorashada, habka uu u socdo ololuhu iyo sida ay xisbiyada iyo ururradu awooda ugu leeyihiin adeegsiga warbaahinta.

Goobjoogayaashan, ayaa korjoogteyn doona codeynta maalinta doorashada, tirinta, hubinta iyo natiijada doorashada Somaliland.

Hase yeeshee, xubnahan ayaa maalinta berito ah la kulmaya Guddida Doorashooyinka Somaliland, hoggaamiyeyaasha asxaabta qaranka, ururrada bulshada rayidka ah, qaybaha haweenka iyo cidkasta oo lug ku leh arrimaha doorashooyinka Somaliland, oo ay ku jiraan warbaahintu.

Xubnaha goobjoogayaasha caalamiga ah, ayaa waxay ka kala socdeen oo ay ka soo kala jeedaan wadamada Ingiriiska, Spain iyo Poland.

Waxaana xubnahan goobjoogayaasha caalamiga ah ku jira sarkaal diblomaasi ah oo hore u ahaa danjirihii hore UK.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here