Ciidanka Qaranka oo Sheegay inay u Diyaar Garoobeen Xannuunka Korona Fayras.

0
646

Hargeysa (HargeisaPress)—Wasiirka wasaaradda Gaashaan dhiga Jamhuuriyadda Somaliland C/qani Maxamuud Caateeye oo ka qayb galay madal ay ciidanka Mulatariga ku soo bandhigayeen sida ay ugu diyaar garoobeen Xannuunka Korona Fayras.

Waxana madashaas ka qayb galay abaan duulaha ciidanka qaranka, taliyeyaasha ciidamada laanta socdaalka, Dab-damiska, taliye ku xigeennada ciidamada Booliska, Asluubta iyo Badda, hogaannada caafimaadka iyo waxbarashada ee ciidanka qaranka.

Ugu horayn waxa halkaas ka hadlay hogaannada caafimaadka iyo waxbarashada ee ciidanka qaranka gaashaanle dhexe Axmed Shadi C/laahi iyo gaashaanle dhexe Nimcaan Yuusuf Cismaan, oo wasiirka halkaas warbixin ku siiyey, iyagoo sheegay inay kulamadii ugu dambeeyey ee ay yeesheen ay kaga hadlayeen talaabooyinkii ay qaadi lahaayeen iyaga oo u maraya habraacyada ay u dajidsay hay’adda caafimaadka adduunka ee W.H.O.

Geesta kale, abaan duulaha ciidanka qaranka sareeye guuto C/risaaq Siciid Bullaale (Afguduud) oo halkaas ku soo dhaweeyey wasiirka ayaa tilmaamay inay muddo ku hawlanaayeen sidii looga hortagi lahaa xannuunka Covid-19, isla markaana ay talaabooyin muhiim ah ay qaadeen muddadii ay ku gudo jireen hawsha u diyaar garawga xannuunkaasi.

Gabogabdii waxa madashaas soo afmeeray wasiirka wasaaradda gaashaan dhiga Somaliland C/qani Maxamuud Caateeye, oo ciidanka qaranka ku amaanay dedaalka ay ugu jiraan sidii xannuunkaas looga hortagi lahaa, isla markaas alle ka baryey inuu xannuunkaas bulshada Somaliland ka  salaamad yeelo.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here