Dr. Gabboose iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi oo si Dhaxal-gal ah Bulshada Ugala Hadlay Halista Xannuunka Covid-19

0
202

Hargeysa,(HargeisaPress)- Dr. Maxamed Cabdi Gabboose iyo siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi oo siyaabo kala duwan saxaafadda ugula hadlay meelo kala duwan Isniintii maanta (06 April 2020), ayaa bulshada iyo dowladda Somaliland u soo bandhigay tallooyin iyo waano dhaxal-gal ah oo la xidhiidha sidii looga feejignaan lahaa faafitaanka xannuunkan halista ah ee Coronavirus (Covid-19), iyagoo ku baaqay in loo hoggaansamo awaamiirta ka soo baxaya Guddida Heer Qaran ee Ka-hortagga iyo Wacyigelinta Xannuunka Covid-19.

Ugu horayn Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta cusbitaalka Hal-door ee Caasimadda Hargeysa, waxa uu halkaas ka jeediyey muxaadarro caafimaad oo uu ku soo bandhigay khatarta xannuunka, faafitaankiisa, sida uu dadka u dilo iyo tallooyinka lagaga badbaadi karo inuu Somaliland iyo ummadda kale ee Soomaalida ku yeesho saamayn xun.

Dr. Gabboose, waxa uu shirkiisa jaraa’id ku ibo-furay sidan; “Shirkaygan jaraa’id waxa uu daaran yahay in aan uga digo bulsho-weynta Afka Soomaaliga ku hadasha meelkasta oo ay joogaan iyo gaar ahaan dalkayga Somaliland inay si qoto-dheer u fahmaan dhibaatada culus ee ku soo fool leh Ilaahay ha innaga badbaadiyee, hasayeeshee in wax walba lagu talogalo ayaa nolosha ugu muhiimsan inta ay dhibaatadu kugu habsan lahayd.”

Waxaannu intaas sii raaciyey; “Sida aad ka war-haysaan, caalamku waxa uu galay xaalad aad iyo aad u adag, waxaanna kala go’ay oo istaagay dhammaanba qaababkii nololeed ee hadda jiray, haddii ay yihiin kuwa bulsho, haddii ay yihiin kuwa dhaqaale, haddii ay yahay kuwo siyaasadeed iyo nooc walba oo dunidu way kala xidhantay.”

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, waxa uu sheegay in xannuunkan Covid-19 uu sababay inay cidlo noqdaan magaalooyinkii waaweynaa ee dalalka caalamka, dadkuna ay ka baqayaan inay istaabtaan, isagoo xusay in lala kala cararay salaantii iyo noocyadii kala duwan ee xidhiidhka bulshada ahaa, waxaannu sheegay in masiibada xannuunkaasi aanay cidna dhaafin qaybaha kala duwan ee bulshada, isla markaana ay taabatay cidkasta oo isugu jirta madax iyo minjaba.

Muxaadarada caafimaad ee uu jeediyey Dr. Gaboose, waxa uu ku sheegay in masiibada xannuunkani ay adduunka kaga tegi doonto cawaaqib-xumo aad u adag oo dhinac walba ka saamaysa bani’aadamka, taasoo uu xusay inay sababi doonto in dib wax la iskaga weydiiyo hab-fikirkii jiray iyo wixii uu horumar haystay oo dhan.

“Qaab-nololeedkii ay ilbaxnimadu dhalisay ee ahaa magaalooyin waaweyn iyo mushtamac aad isugu dhaw, waxa ay noqotay hubkii uu xannuunkani ku faafi lahaa,” ayuu yidhi Dr. Gaboose, waxaannu tilmaamay in Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO iyo khubarada caafimaadka ee caalamku ay saadaalinayaan in aanu jirin dal iyo qaarad ka badbaadaya saamaynta adag ee xannuunkan Covid-19.

“Xannuunkani waxa uu la mid yahay kaymo dab ah oo gubanaya oo kaynba ay ku sii xigto kaynta kale, iyadoo kaynta la filayo ee la sii saadaalinayo toddobaadyada soo socda inay dhibaatadiisu aad u badan karto waa qaaraddan madaw ee Afrika oo ah qaarad aan qalab u haysan, talo u haysan, dhaqaale u haysan, dadka noloshooduna ay ku jiraan xaalado aad iyo aad u liita,” ayuu yidhi Dr. Gaboose, isagoo caddeeyey in xannuunkan Coronavirus aannu lahayn wax daawo ah iyo tallaal lagaga hortegi karo midna, waxaannu iftiimiyey in cudurkan dawakhiyey dunidan casriga ah uu ka dhashay noole yar oo il-ma-aragtay ah oo la yidhaahdo fayras (Virus), kaasoo ka samaysan silsilad yar oo hidde-side ah, laguna dahaadhay gal yar oo sare oo la mid ah sida kiniinka kaabsoolka, korkana ku wadata taag-taagyo yaryar oo mafaatiix ah.

Dr. Gaboose waxa uu soo bandhigay su’aal ah; “haddaba, sidee ayuu caalamka intaas tiro le’eg u fadhiisiyey waxaas ugu yar ee jira ee bani’aadam arkay ee la isku haystay ma nool yahay, mise ma noola? “Awoodda Ilaahay, waxanu (fayraska yari) waxay awood u leeyihiin mafaatiixda ay korka ku wataan muftaax walba aqoonsan karaa quful uu noole kale haysto, haddii uu xoolo yahay, haddii uu dad yahay iyo haddii uu waxkasta yahayba, markaa muftaaxaasi sida ay hudheelladu u kala gartaan qol walba muftaaxa furaya, ayuu mid walba garanayaa noole kale muftaaxiisa oo kolba ay istaabtaan haddii uu yahay kii uu furayey, inta uu albaabkiisa garto oo uu furo ayuu gudaha u gelayaa unuggii kale (cell).” ayuu yidhi Gabboose.

Dhakhtar Gaboose oo sharraxaaddiisa sii wadaa, waxxa uu intaas ku ladhay; “Marka uu gudaha galana, awoodii ka maqnayd (fayraskan) ee Ilaahay ka maqnaysiiyey oo dhan, waxa uu ka helayaa noolaha kale ee uu galay oo waxa uu afduubayaa oo budhcad-badeed ku noqonayaa unuggii uu afduubay, warshadihiisii ayuuna isticmaalayaa noockasta oo ay tahay, markaas ayuu unuggaas kale shaqadiisii kale ee uu isagu watay ee gaarka u ahayd inta uu joojiyo, waxa uu u shaqaynayaa xabbaddaas yar ee fayraska ah, kadibna wuu ku dhex tarmayaa, waxaannu ku samaynayaa kaabsool (dahaadh sare) oo kale, mafaatiix kale ayuu ku samaysanayaa, halkaas ayuuna ku sii badanayaa, wuxuunna dhaawacayaa unuggii uu galay, waxaanna ka soo daadanaya boqolaal unug oo kale oo fayraskii ah.”

“Boqolaalkaasina waxa ay haddana gelayaan unugyo kale oo cusub, mid walbana unug kale ayuu afduubayaa, haddana waxa ku dhalanaya boqolaal kale oo fayrasyo ah. Sidaas ay u soo wada yaacayaan ee ay marba unug kale u afduubayaan, ayey marka dambe unugyada qofka ama meesha ay ku degeen ay u wada burburinayaan oo imminka xannuunkani waxa uu u badan yahay inuu qabsado sambabada iyo neef-mareenka, laakiin kelyaha, wadnaha, xididada iyo meelo kale oo jidhka ahna wuu geli karaa oo mafaatiixdiisa wuu haystaa oo kolba sida uu u abuurmayo unugyo kale ee ay unugyadii jidhka u burburinayaan, ayuu marka dambena qofkii sidaa ku dhimanayaa,” ayuu yidhi Dr. Gaboose oo sharaxay qaabka uu fayrasku u dilo qofka.

Waxa kaloo uu sheegay inay jiraan fayrasyo kala duwan, isagoo xusay in fayraskan hadda khalkhalka geliyey adduunka qabiilkiisa la yidhaahdo CORONAVIRUS, kaasoo hore u soo maray Adduunka, intiisa badana lagu yaqaanay xoolaha iyo xayawaannada kale, balse kadib markii uu isbeddel ku dhacay hidde-sideyaashiisa uu gaadhay heer ah inuu ka soo baxo xayawaanka, una soo gudbo bani’aadamka, waxaannu caddeeyey in aanay ilaa hadda culimada caafimaadku u hayn aqoon ballaadhan oo ay ku soo saaraan tallaal wax lagaga qaban karo xannuunkan saameeyey caalamka.

Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, ayaa uga digay bulshada sida fudud ee uu xannuunkan cusub ee Covid-19 ku faafayo, waxaannu sheegay in qofka uu fayraskani ku dhaco uu isla markiiba sii qaadsiin karo ugu yaraan saddex qof oo kale. “Haddii anigu aan qaadsiiyo laba qof uu guriga igula nool, marka ay soo baxaan labadaas qofna ee uu qof walba qaadsiiyo saddex qof oo kale, waxay noqdeen lix qof, haddana marka ay lixdaas qof mid walba sii qaadiiyo saddex ruux oo kale, waxay noqdeen 18 qof, haddana 18-kaas qof, marka uu mid walba saddex kale sii qaadsiiyo waxay noqdeen 54 qof, markaa sidaas ayuu xannuunkani mid aan dilaa oo qudha ahayn ee ay fidistiisu aad iyo aad ugu socoto oo hal qof ilaa kumanaan kun ay mar qudha si dhakhso ah isku gaadhsiin karaan,” ayuu yidhi Digtoorku.

Waxa uu ugu baaqay bulshada reer Somaliland iyo guud ahaanba dadka Soomaalida ah inay la yimaadaan taxaddir dheeraad ah oo qof walba halkiisa isku saaro masuuliyad ah inuu naftiisa iyo bulshada kaleba ka badbaadiyo faafitaanka xannuunkan albaabada u xidhay dalalka ugu awoodda iyo dhaqaalaha badan caalamka, isagoo xusay inay waajib tahay in la qaato awaamiirta iyo tallooyinka la xidhiidha qaababka looga hortegi karo cudurkan ee ka soo baxaya bahda caafimaadka, Guddida Heer Qaran ee Ka-hortagga Covid-19, waxaannu Madaxweynaha Somaliland iyo madaxda qaranka ugu baaqay inay la yimaadaan masuuliyado dheeraad ah oo ummadda lagaga badbaadin karo khatarta ku soo fool leh Ilaahay innaguma keenee, lana xidho dhammaanba xuduudaha dalka, maadaama meelaha uu xannuunkani ka soo geli karo Somaliland ay ugu badan yihiin dalalka dibadda ee uu saamaynta xooggan ku yeeshay.

Geesta kale, siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi oo isna saxaafadda la hadlay, ayaa soo bandhigay 11 talo oo la xidhiidha xannuunkan halista ah ee Coronavirus, waxaannu ku baaqay in dowlad, shicib, mucaarid, muxaafid, taajir iyo faqiir lala yimaado siyaasad iyo qorshayaal midaysan oo lagaga ilaalin karo in aannu xannuunkani ku dhex faafin dalka Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo ku taliyey in loo hoggaansamo awaamiirta iyo tallooyinka ka soo baxaya Guddida Heer Qaran, bahda caafimaadka iyo waanooyinka culimadu jeedinayaan.

“Waxa aan ku talinayaa ummad ahaan in aynu si wada-jir ah iskaga gaashano dagaalka ka dhanka ah cudurka dillaaga ah, Walaalayaal, ummaddaha gobta ahi maaha kuwa kala tafaraaruqa xiliyada adag, balse waa kuwa isku tiirsanaada, iskuna tashada xiliyada adag,” ayuu yidhi Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ugu baaqay Xukuumadda Somaliland in la dardar-geliyo dedaalka lagaga feejignaanayo faafitaanka xannuunkan, isagoo soo jeediyey in la xidho xuduudaha, lana joojiyo duulimaadyada dadka rakaabka ah keenaya dalka.

Muxaadarada caafimaad ee uu jeediyey Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo faahfaahsan halkan hoose ka wada dhegayso, iyadoo ay muhiim tahay in dowlad iyo dadweynaha la qaato tallooyinka caafimaad ee uu soo bandhigay digtoorku.

https://www.youtube.com/watch?v=QHbX01tw0yE
Tallooyinka uu soo jeediyey siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi iyagoo faahfaahsan halkan hoose kaga bogo.
https://www.youtube.com/watch?v=Z2ccK9TAXhM

Waxa isku soo ururiyey Suxufi Maxamed Cumar Cabdi (Cirro)

Hargeysa/Somaliland.

LEAVE A REPLY