Ciidanka Asluubta oo U Diyaar-garoobaya Xuska 18-ka May

0
585

Hargeysa (Hargeisa Press):- Taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta Somaliland, sarreeya guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax), ayaa maanta kormeer ku tagey goobta ciidanka asluubta Somaliland ay ka wadaan tababarka iyo diyaargarawga xuska maalinta Qaran ee 18-ka May.

Kormeerkaasi waxaa taliyaha ku wehelinayay Abaandulaha Ciidanka Asluubta Sarreeyo Guuto Xasan Cali Cawad.

ayaa maanta kormeer ku tagey goobta ciidanka asluubta Somaliland ay ka wadaan tababarka iyo diyaargarawga

Xuska maalinta Qaran Somaliland ee 18-ka May 2023-Ka oo dhawaan inagu soo fool leh ayaa la filayaa in si weyn loo xuso.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta ayaa goobtaas salaan kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Asluubta Somaliland.

Ciidanka ayaa ku jira gaardis ay ugu sii diyaar-garoobayaan maalinta Qaranimada Somaliland oo sannad kasta la xuso 18-ka bisha May.

Taliyaha iyo Abaandulaha ayaa ciidanka asluubta ee loo xulay ka qayb-galka munaasibada 18-ka May, uga mahad celiyey sida wanaagsan ee ay u wadaan hawsha diyaar-garowga iyo shaqada ay Qaranka u hayaan.

Waxaanay kula dar-daarmeen in ay gacana xuska ugu diyaargaroobaan, gacana cadowga ku ilaaliyaan.

Mudada uu ka socdo diyaargarowgani waxa ay ciidanka Asluubtu ku soo badhigeen diyaargarow xoogle.

Sannad kasta bishan waxa ay ciidamada kala duwan ee Qaranku Somaliland sameeyaan gaardis ay ugu diyaargaroobayaan weyneynta maalinta qaranimada ee 18-ka may.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here